Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh oo Gaadhay magaalada Cadale (Sawirro)

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif  Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa goordhow gaadhay degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe  iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay soo dhwoayntooda.

Safarka Madaxdii hore oo ahaa safar dhinaca dhulka ah ayaa waxaa saaka ambabaxeen Muqdisho, iyagoo sii maray Degmada Warsheekh iyo deegaano kale, waxaana degmada Cadale ay joogi doonaan dhowr cisho ah.

Waxay Halkan uga qayb geli doonaan  wadatashiyo iyo kulamo ayay la yeean doonaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada deegaanka iyadoo Safarkooda uu Qayb ka yahay inay Xal ka gaadhaan Xiisad ka taagan Kursiga Xildhibaanka uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Isloow ducaalle oo Beesha isku khilaaftay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *