Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shir looga hadlayo qaab dhismeedka booliska somaliyee oo manta muqdisho ka furmay

Shir looga hadlayo qaab dhismeedka Booliska Soomaaliyeed iyo qaabka ay u shaqeynayaan Booliska heer qaran iyo heer Gobol ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si rasmi ah shirka u furay, waxaana shirkan uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

Ka qeybagalayaasha shirka ayaa si aad ah uga dooday  kor u qaadidda wada shaqeynta u dhexeysa ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada loo dhiso awoodda Booliska.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay shirkan ay ka filayaan inay kasoo baxaan arrimo waxgal u ah tayeynta Booliska Soomaaliyeed. Heer Federaal iyo mid dowlad goboleed intuba.

“Shirkan wuxuu daba joogaa shirkii bishii hore Nairobi ka dhacay oo ku saabsanaa qaab dhsimeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed maadaama Dowlad goboeledyo ay dalka ka jira, kuwa hadda ay dhsimayaan marka waxaa lagama maarmaan noqotay in arrintaas laga tashto”ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.

Furitaankii Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga gudaha, xubno ka socday Wasaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo  khubaro dhanka sharciga

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *