Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirka madasha wada tashiga qaran oo ka furmay magaalada muqdisho 12/7/2016 kaasoo lagaga hadlayo arimo dhowra

madasha4

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa furay shirka Madasha Wadatashiga Hogaamiyayaashga Qaran, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Guddiga doorashooyinka heer federaal.

Shirkan oo maalin ka hor uu iclaamiyay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa looga arrinsanayaa horumaradii laga sameeyay Hanaanka Doorashooyinka, cabashooyinka laga keenay deegaanada doorashada ka dhaceen iyo tabashada shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee Kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Avv. Cumar Dhagey ayaa kulanka looga dhageystay warbixin ku saabsan doorashooyinka ka dhacay xarumaha maamul goboleedyada, cabashooyin laga keenay meelaha qaar ee doorashada ka dhaceen iyo xaqiijinta qoondada

Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa canaan u jeediyay Madaxda Madasha, sida ay ugu gaabiyeen Hirgelinta Hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2016 oo aheyd in sanadkan gudaheed la qabto doorashada Madaxweynaha iyo tan Guddoonka Baarlamaanka oo saddex jeer dib u dhac ku yimid.

Gaba gabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed, waxaana la ogeyn inta maalin uu soconayo shirkan.            (PUNTLANDES )

madasha1madasha2madasha4madasha5

madasha5

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *