Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Shirkii Caawa ee RW. Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda (Warbixin)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga.

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto.

Shirka waxaa diiradda lagu saari doonaa u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *