Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Soomaaliya oo war kasoo saartay Muxaarada Sh. Umal iyo Sh. Idiris oo si Cajiib ah uga hadlay Muranka la geliyey

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta DF Soomaaliya ayaa War kasoo saartay  Buuqa lagu Furay Muxaadaro uu Muqdisho ku qaban lahaa Shekh Maxamed Cabdi UMAL,   taasi oo ay kasoo horjeesteen Qaar kamid ah Culimada Suufiyadda eek u nool Muqdisho.

Dhinaca kale Sheikh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed  ayaa Dhankiisa si kooban uga hadlay Dooda la geliyey Muxaadaro uu Qaban lahaa Sheikh Umal Wuxuuna yidhi.

“ Ra’yigaaga soo bandhig kaygana aan soo bandhigo, dadkuna xor baa Ilaahay ka dhigay, garaadna waa siiyey, kii ay rabaan ha qaataan, qof walbaana meesha uu ku qanco ha raaco!

Waa sida caqliga iyo sharciga sheegayo, dooda taagan muxaadarada sheekh umal ee muqdisho haduu axadda qabto, sheekh soomowna isniinta ha qabsado haduu rabo, dawladduna dadkey u dhexeysaaye ha kala hagto, oo mid walba jaaniskiisa ha siiso, islaan nimadu waa ilbaxmimo, ilbaxnimaduna waa islaamka, daaya dadku wax ha kala doortaan, wixii dadka anfaca ayaa haraya, wixii kalena waa tegayaan.” Ayuu yidhi Sheikh Idiris.

AKHRISO WARKA KASOO BAXAY WASARAADDDA DIINTA IYO AFWAAQTA.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *