Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Tacsi tacsi tasci marxuum xaaji cabdillahi yusuf Finiin (cur Curo)

TACSI Golaha1960.

 

Ilaahay ha u naxariistee waxaa habeenkii Isniintu soo galeysey ku geeriyooday magaalada Qardho Xaaji Cabdullaahi Yusuf Finiin (Curcuro).

Xaaji Cabdullaahi Curcuro ayaa ahaa odoyaasha sida weyn looga yaqaaney Soomaaliya gaar ahaan gobolada Puntland. Waxa uu ka qaybqaadan jirey taabo gelinta nabadda iyo in bulshadu nabad kuwada noolaato, isaga oo caan ku ahaa saamaxaadaa.

Qiyaastii sanadkii 1937 ayuu ku dhashey gobolka Bari, isaga oo yar ayuu bilaabey ganacsiga waxaana isaga oo yar safar ganacsi ku tegey magaalada Cadan ee dalka Yaman halkaas oo ahayd meeshii ay uga baxdey naaneysta Curcuro oo ah eray carabi ah, kadib waxaa ka mid noqdey ganacsatada waaweyn ee dalka ee sida weyn loo yaqaaney, laga soo bilaabo sanadihii todobaadanaatkii.

Rabbi ha u naxariistee Xaaji Cabdullaahi waxa uu ahaa shakhsi afgaaban, cibaado badan oo kamid ahaa kuwa aan kheyrka looga hormarin, waxa uu ka qaybqaatey mashaariic badan oo kheyri ah, sida dhismayaasha masaajidda, gacan qabadka masaakiinta iyo mashaariic kale oo badan, waxa u ahaa shakhsi dadku si weyn u jecel yihiin laguna yaqaano wanaag, taas oo dadku kawada markhaanti kacay.

Rabbi ha u naxaristee waxa uu ifka uga tegay hal xXaas iyo 21 qof oo isugu jira kuwii uu dhalay iyo kuwi ay sii dhaleen.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *