Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Taliya xooga dalka somaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay

Taliya xooga dalka Somali S/gaas Maxaed Adan Ahmed ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiisha ugu saraysa ciidamada AMISON,waxaana laga wada hadlay In sanadka 2016ku uu noqdo sanadka nabada iyo baabi ‘inta cadowga gumaadka ummadda somaliyeed ee alshabaab.Waxaana labada dhinac isla garteen in loo baahan yahay in la bilaabo abaabul iyo howgallo ka dhan ah alshabaab

Taliyuhu wuxuu sheegay in sanadakani yahay sanadkii dib u dhiska ciidamada soomaaliyeed iyo soo af jaridda kooxda alshabaab.

Sidoo kale waxaa taliyuhu sheegay in laysku af gartay in si wada jir ah laysaga kaashado cirib tirka cadowga sanadka 2016 ,lagana wada xoreeyo dhamaan dhulka ay hadda ka taliyaan,lagana suuliyo gobolada dalka oo dhan.

kulanka waxaa taliyaha ku weheliyey abaanduulaha ciidamad iyo saraakiil kale oo ka tirsan xooga dalka somaliyeed.Kulankuna wuxuu qayb ka ahaa kulamo ay beryahan wada yeelanayeen labada dhinac ee kulanka manta lahaa.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *