Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Taliyaha Ciidanka Somalia oo bedalay Ciidankii Rasaasta ku Furay Gaadhiga Xasan Sheikh

taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Xijaar ayaa ciidamo suga ammaanka geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn waxaana laga qaaday ciidankii horey u joogay.

Sababta loogaga qaaday barahan Ciidankii Asluubta ayaa ah kadib markii ay ku lug yeesheen isku dhacyo dhowr ah oo ay u dambeysay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday agagaarka Kawaanka Malayga oo lagu rasaaseeyay kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Ka qaadista ciidamada asluubta ee barahan koontarool ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli uu taliyaha ciidamada asluubta General Mahad uu sheegay in ciidamadii rasaasta ku ridey kolonyada uu saarnaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay ku saxsanaayeen maadaama rasaas lagu soo ridey.

Barahan Koontarool ee ku yaallay agagaarka Dekeda Muqdisho, Wadada hormarta Maxkamadda Gobolka, Xabsiga Dhexe iyo Kawaanka Malayga ayaa waxaa haatan wixii ka dambeeya ka howlgali doono ciidamo Boolis ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *