Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

taliyihii nabad sugida gobolka sh/dhexe ayaa lagu dilay magaalada jowhar

Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa  xaqiijiyey dilkan oo ahaa mid qorsheysan uu dhacay abaarihii xilliga afurka, iyadoo ninkii dilka ka dambeeyay uu baxsaday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaas uu furay mid ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen labo sarkaal kale oo xilligaas la afurayay.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la sheegay in askarigii diley uu baxsaday la baadigoobayo, halka wararka qaarna ay sheegayaan in la qabtay ninkii ka dambeeyay dilka taliyaha.

Ciidamada Ammaanka Jowhar ayaa illaa 15 askari u xiray dilka Taliyaha, kuwaasoo looga shaki qabo inay wax ka og yihiin, waxaana la sheegay in ka hor inta aan la dilay la damiyay Nalka guriga, kadibna la maqlay rasaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilka ka dambeeyay uu horay uga soo goostay Al-Shabaab, isla markaana muddo ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida ee degmada Jowhar ku sugan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay howl gal gaar ah ku dishay Taliyaha Nabadsugida Sh/Dhexe, isla markaana ciidamo ka tirsanaa ay Taliyaha ku dileen Jowhar.

Waa sarkaalkii ugu sareeyay ee ka tirsan Laamaha Ammaanka Shabeellaha Dhexe oo la dilo, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Sh/Dhexe oo ku aadan dilka Taliye C/wali.

C/wali Ibraahim Maxamed ayaa xilka loo magacaabay sanadkii 2012, xilligaasoo Al-Shabaab laga saaray magaalada Jowhar, waxaa uu horay uga qalin jebiyay Jaamacadda Muqdish

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *