Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wakiilka midowga afrika u jooga somaliya oo gaarey magaalada jowhar

Danjiraha midowga Africa Francisco Madeira oo maanta booqasho ku tegey magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle,wuxuuna  kulan la yeeshay madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.

Labada mas’uul ayaa ka wadda hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen ammaanka,horumarinta iyo iyo doorashooyinka aqalka hoose ee ka soconaya magaalada Jowhar.

Wakiilka midowga Africa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu soo gaarsiiyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle  qoraal uu ka siday madaxda AMISOM kaasoo loogu hambalyeynayo qaabka ay u socdaan doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa qaabka ay u socoto doorashada Aqalka Hoose gaar ahaan in 11 kursi oo ay lahaayeen dumarka 9 kamid ah la buuxiyay,waxaan ka rajeyneynaa in doorashada ay ku soo dhamaato wanaag.”ayuu yiri Madeira.

Francisco Madeira, ayaa sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay in dowlad goboleedka Hirshabeele aan ka taageerno sidii loo horumarin lahaa ammaanka iyo weliba sidii dayactir loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaale sida wadooyinka si ay beeralayda si sahlan ugu geysan lahayd suuqyada wax soo saarkooda.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *