Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

war saxaafadeed degdeg ah ayey kaga jawaabtey p/land dad lagu laayey qaarna lagu dhaawacay magaalada laascaanood

Dawladda Puntland ayaa goor dhaweyd Warsaxaafadeed deg deg ah ka soo saartay xaaladdaha ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, taas oo ka dambeysay markii ay Somaliland saaka ciidamadeedu rasaas dhimasho iyo dhaawacba sababtay ka u geysteen shacabka magaalada Laascaanood kuwaasoo  ka qayb qaadanaayey maalinta nadaafadda  oo sanad walba laga xuso gobolkaas.

Wasiirka Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland Maxamuud Xassan Soocade oo goor dhaweyd ka hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ay dawladdu si dhaqso ah jawaab uga bixi doonto arrimahan.

Wasiirka ayaa sheegay in uu dulqaadkii ka dhamaaday dawladda Puntland, wuxuuna cadeeyey in looga baahan yahay bulshada Puntland in ay diyaar u noqdaan jawaab laga bixiyo arrimaha ka socda Laascaanood.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *