Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

warmurtiyeed ka soo baxay shirkii wada tashiga iyo dib u eegidda xeerka saxaafadda somaliyeed.

.

Shirka oo ay ka qayb galeen madaxda sare ee Wasaaradda Warfaafinta dowladda federalka somaliya iyo Wasiirada Warfaafinta ee dowlad goboleedada    .Shirkaasi oo laga soo saaray warmurtiyeed tilmaamaya qaabka loo hagayo saxaafadda somaliya iyo qaabka isku xirka dowlad goboleedada iyo dowladda federalka laysu xiri lahaa Shuruucda hab raaca xeerarka lagu dhaqayo saxaafadda Somlaiya.

1 __Ka qeybgalayaasha shirku, waxay u mahadceliyeen Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada sida wanaagsan ee ay u soo abaabuleen shirkan muhiimka ah, waxayna soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ku aadan doorkooda wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda ku aadan arrimaha lagu lafoguray shirka.

2. Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna ammaaneen horumarka laxaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxayna xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xoriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka.

3. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in ay dib u eegis lagu sameeyo qodobada cabashada laga qabo ee Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee baarlamaanku ansixiyay 26 December, 2015, madaxwaynuhuna saxiixay 9 January, 2016. Kaasoo la soo jeediyay in muddo laba todobaad gudahood ah ay dowlad goboleedyada iyo saxaafaddu ugu soo gudbiyaan wasaaradda warfaafinta si xeerku noqdo mid la jaanqaadi kara nidaamyada caalami ah ee saxaafadda.

4. Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu noqdo kan qaranka, ayna Dowlad Goboleedyadu si buuxda u waafajiyaan xeerarkooda saxaafadda.

5. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga wada shaqeeyo, bacdamaa xeerku uu maareeynayo cabashooyinka iyo hab-dhaqanka shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerka saxaafadda, anshaxa iyo asluubta warbaahinta. Waxaana la isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dalka laga sameeyo wacyigelin lagu sharaxayo muhiimadda dhaqangelinta xeerka saxaafadda. Fulinta barnaamijkan waxaa laga codsaday hay’adaha warbaahinta taageera iyo beesha caalamka in ay gacan ka geystaan dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda.
6. Ka qeybgalayaashu, waxay dib u eegis ku sameeyeen isla markaasna ay isku waafaqeen in la dhaqangeliyo Istraatejiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano ee soo socota (2017 – 2021).

7. Ka qeybgalayaashu, waxay ku ballameen in ay si wadajir ah u wada dhaqangeliyaan Istraatejiyada, iyagoo kaashanaya shacabka, suxufiyiinta Soomaaliyeed, ururada matala warbaahinta iyo beesha caalamka. Waxaana marwalba door hoggaamineed iyo isku xir qaadanaya Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la tashaneysa Dowlad Goboleedyada, iyo qeybaha kale ee warbaahinta madaxa bannaan.

8. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda, oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci-siinta hay’adahaas, iyo in ay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha. Waxaana hoggaanka iyo isku xirka marwalba leh Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka.

9. Ka qeybgalayaashu, waxay cambaareeyeen ficilada dilka, dhaawaca iyo hanjabaadaha ah ee kooxaha argagixisada ah ku hayaan umadda Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo sharciga la hor keeno, si loo joojiyo isla-xisaabtan la’aanta, isla markaana dambiilayaasha aan loo oggolaan in ay bulshada ku dhexmilmaan, iyagoo aan cadaalada la horgeynin.

10. Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub.

11. Ka qeybgalayaashu, waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka hawlgalayaan, una gudbiyaan taariikhdooda, qorshahooda iyo qorshe hawleedkooda, oo dhameystiran.

12. Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen in Wasaaradda Warfaafinta Federaalka lagala tashto dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ka fulinayaan dalka, oo aysan hay’adna ka howlgeli karin dalka, iyagoo aan oggolaansho ka helin Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka howlgalaan.

13. Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dastuurka, nidaamka federaalka, doorashooyinka, dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, la dagaalanka Jahliga iyo fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta.

14. Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen Istraatiijiyadda Qaranka oo Dhamesytiran ee ka hortagga fikirka xagjirka ah (CVE), isla markaasna waxay isla garteen muhiimadda dhaqangelinta Istraatiijiyaddaas, iyadoo Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay u istaagayaan isku-xirka iyo xiriirinta Barnaamijkan, iyagoo kaashanaya dhammaan hay’adaha ay khuseyso sida Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Diinta, Waxbarashada, Dhalinyarada, Haweenka & Xuquuqul Insaanka iyo Garsoorka. Xarunta Qaranka ee iskuxirkana ay hoos-timaaddo Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

15. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, labadii biloodba marna lagu qabto mid ka mid ah caasimadaha dowlad goboleedyada.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *