Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasiir Goodax oo Kulan la yeeshay Xildhibaanada Puntland, Kana hadlay Siyaasiin Eedeeyay dhowaan

Wasiirka Waxbarashada DF Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta Kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho  Gudiga Arimaha Bulshada ee Aqalka sare iyo Xubnaha   Xildhibaanada ah ee laga soo doortay deegaanada Puntland.

Wuxuu sheegay inay dhexmartay dood fiican iyo Tallo-wadaag, taasi oo ku Aadan sidii Xal loogu heli lahaa Muranka soo dhexgalay Wasaaradda Waxbarashada DFS iyo wasaarada waxbarashada ee Puntland.

“Puntland waayo Aragnimo dheer ayay leedahay,  Wayna ka faa’iidaysteen Fursadahaas,   Waxbadan ayaa looga daydaa oo ku aadan waxbarashada waana uga mahad celinayaa, Arinta Muranka keentay waa Arin Mabda’a ah, maaha mid Farsamo”. Ayuu yidhi Goodax oo ka hadlay arintan.

Goodax ayaa sheegay inuu ku Kalsoon yahay in Xal rasmiya laga gaadho Arintan, Islamarkaana wuxuu sheegay inaanu doonayn inuu eedeeyo Puntland, Maadaama ay Cusubtahay Xukuumadda cusub ee Puntland.

“Intaan Tacliinta Soomaaliyeed Hormarino ugama Maarano  Puntland, Dadkii iska Qaban lahaa Runtii ma nihin, Balse waxaan rajaynayaa in Xildhibaanada Aqalka Sare ay Xal wanaagsan keenaan.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Hadalkiisa oo dhowaan Siyaasiyiin kala duwan ay si kale u dhigeen.

Hadal aan idhi  ayaa dad siyaasiyiin ah  Siyaabo kala duwan u kala  u dhigeen, Anigu waxaan idhi Shahaado  meel lagu Qaaday aanan Ogayn Kama Makhraati kici karno,   Waana inaan Hubnino uun Masuuliyadda na saran, Wuxuuna ahaa  War aan doonayey inay Ogaadaan Waalidiinta iyo Ardayda Maadaama Wasaaradda aan isku Fahmi waynay, Hadana waxaan hubaa inuu wax wanaagsan soo Baxayo”. Ayuu yidhi Goodax.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *