Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasiir Oomaar oo ka hadlay Sababta uu Kismaayo u tegi waayey “Awood Maan Waayin, ee Masuuliyad ayaa i saaran”

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay inuu ka baaqday Safarkii ku aadi lahaa magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu waday inuu kaga dhawaaqo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Wasiir Oomaar oo todobaadkan isu qaban qaabinayay safar uu ku tago Kismaayo ayaa sheegay inuu uga baaqday si uu uga fogaado iska hor imaad dhaco, sida uu hadalka u dhigay.

“Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hor imaad u dhaco, Qof isku dayay inuu i soo qaado ma jiro. Inkastoo aan xaq u leeyahay in aan la is ilaalsho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin ilaah ka sokow” ayuu yidhi Wasiir Oomaar.

Waxaa uu sheegay in awood uu Jubbaland ku tago uusan weyn, balse uu garawsaday mas’uuliyadda isaga saaran sida uu hadalka u dhigay.

“Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yidhi aan idiin kala goyno waxey tidhi ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo,  Taas uun baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saaran, Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland Kama dhici doono Caqliga ha shaqeeyo”ayuu yiri.

Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ka mid ah ragga la hadal hayay ee ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Jubbaland, Waxaana muuqata inuu Noqday Masuul aan dantiisa oo keliya ka Fekerin oo danta Guudna Miisaanka saaray.

Kalshaale

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *