Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasiirka Arimaha Gudaha “Ahlusuna ha joojiso Jidgooyada ay u dhigayaan xulista Xildhibaanada Galmudug”

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii horay ay u wada galeen Ahlusuna, isagoo xusay in Ahlusuna ay markii hore si adag ugu gorgortameen in Xildhibaanada Galmudug ee la dhisi doono laga siiyo 50%, isla markaana arrinkaas ku xireen in la isugu yimaado Dhuusamareeb albaabka wada hadalkana la furo.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in Ahlusuna ay markii dambe arrinka ku soo xirtay wax u dhigma 35% in laga siiyo Baarlamaanka ama albaabka wada hadalka uu xiran yahay, isagoo xusay in arrintaas ay keentay inay ka eegaan danta in haddii Ahlusuna albaabka xirato ay adkaato in la dhiso Galmudug oo mid ah iyo in dalabkooda loo fuliyo, isla markaana markii dambe la huri waayay in tooda in loo fuliyo.

“Fahamkeyga wareegtada ay baraha bulshada ku faafiyeen Ahlusuna ee ay rabaan in caddeyn uga dhigtaan in laga balan-qaaday 35 ka mid ah in laga siiyo 89-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Galmudug intaas cid dafirtay oo aan ogahay ma jirto, sida horay u sheegay waa qiimihii looga iibsaday Midnimada Galmudug iyo albaabka wada hadaladu inuu furmo”.

Waxaa uu sheegay in Ahlusuna ay degdegso, isla markaana sidii loo fulin lahaa balan-qaadkaas iyo jidka loo marayo aan waqtigeeda la gaarin sida uu yiri.

“Waxay u muuqataa in Ahlusuna wal-jameeca aysan arrimaha wax badan iska weydiin, dowladda federaalka juhdi kasta ayay ku bixineysaa in balan-qaadkaas fulo, waxaase la rabaa in la ogaado in dastuurka federaalka iyo dhammaan kuwa dowlad goboleedyada si cad u qeexayaan in xulista Xildhibaanada Golaha wakiilada dowlad goboleed kasta ay tahay mas’uuliyadooda dhaqanka beelaha degan dowlad goboleedyada, dowladda federaalka waxay garowsan tahay cida 35 xildhibaan ee Ahlusuna loogu tagayo ay tahay odayaasha dhaqanka Galmudug, dowladda federaalka waxay diyaar u tahay inay u ergeyso kana codsato dhaqanka Galmudug inay la meel mariyaan qaanta ay u qaadeen danta iyo midnimada iyo xal u raadinta Galmudug”ayuu yidhi Wasiir Sabriye .

Waxaa uu ugu baaqay Ahlusuna inay joojiyaan degdegta iyo xurmo darada, isagoo ugu baaqay Ahlusuna Wal-jameeca inay ka qeyb qaataan hannaanka maamul u dhisida Galmudug, ayna joojiyaan jidgooyada ay u dhigayaan hannaanka xulista Xildhibaanada Galmudug iyo Maamul dhisida Galmudug.

Kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *