Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka difaaca dalka maraykanka ayaa sheegay iney ku qanacsan yihiin go’aamadii ka soo baxay shirkii ingriiska lagu qabtay

Muqdisho (Kalshaale)­ Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mr Jim Mattis oo Saxaafada kula hadlay magaalada London, ayaa sheegay in dowladiisa ay ku niyad santahay Natiijada kasoo baxday Shirka London.

Jim Mattis, waxa uu sheegay in dowlada Mareykanka ay aad u kala fadileyso shirarkii hore iyo kan cusub ee dhawan kusoo xirmay magaalada London.

Waxa uu Jim Mattis sheegay in Somalia iyo Mareykanka ay wadaan dano gaara oo ay kamid tahay in lasoo gunaanudo dagaalka lagula jiro Al­shabaab.

Mr Jim Mattis, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/lahi Farmaajo ay isla fahmeen dhowr talaabo oo u baahan wax ka qabasho sida:

Kordhinta beegsiga Al­shabaab iyo ­La socodka iyo ciribtirka Horjoogayaasha Al­shabaab.

In deegaanada Al­shabaab dib loogu celsho gacanta dowlada Soomaaliya.

In Mareykanku uu Somalia ka saacido dhinacyada Hubka, Gaadiidka, Dagaalka cirka iyo fududeynta dagaalka.

Jim Mattis, waxa uu mar kale ku celcelshay in dowladiisa ay ku qanacsan tahay Natiijada kasoo baxday shirka London, waxa uuna ballanqaaday inay ka dhabeyn doonaan balamaha ay u qaaden Somalia.

Geesta kale, Jim Mattis waxa uu aad u amaanay howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee Somaliya ee AMISOM, wuxuuna sheegay inay soo qabteen shaqo wanaagsan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *