Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka qorshaynta ayaa magacaabay xilhaynta waaxyaha wasaarada iyo isbedel lagu sameeyey jagada xoghaya joogtada ah

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee JFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa is bedel ku sameeyay Maamulka Wasaaradda Qorsheynta.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Qorsheynta oo ku taariikheysneyd 10-ka bisha September 2020 ayaa lagu baabi’iyay Xoghayaha Joogtada ay laheyd Wasaaradda Qorsheynta

Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Cabdiqaadir Maxamed aadan ayaa laga dhigay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta.

Sidoo kale waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda oo markii hore lahaa Agaasimayaal Guud ay wixii Hadda ka dambeeya waxay yeelanayaan Agaasime Waaxeedyo.

Sii hayaha xilka Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa in muddo ah Wasaaradda ka waday isbadalo muhiim ah, iyadoo marka laga yimaado is bedelada kala duwan oo ku guulaystay inay Wasaaraddu dib ugu howl gasho Xarunteeda oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyay.

Balse dadka Qaar ayaan Qaba in Tan iyo markii ay dhacday Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay soo kordhayaan is bedelo is daba joog ah oo ka socday Wasaaradaha, kaasoo ay sameynayeen Wasiirada xilka sii haya, Waxaana ka maqnayn  dano siyaasadeed iyoado laga  faa’ideysanayo marxalada kala guurka .

Balse Wasiir Jamaal ayaa la aaminsan yahay inuu kamid ah yahay Wasiirada ugu Shaqada iyo Tayadda Fiicnaa Xukuumadii Raysal wasaare Xasan Cali Khayre.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *