Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Weerar Madaafiic ah oo lagu Qaaday Xalane iyo Wararkii ugu dambeeyay

 Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay inay ku dhacday xarunta Xalane iyadoo aan wax faahfaahin ah aan laga bixin Khasaaraha ka dhashay.

Waxaa la sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen.

Weerarka madaafiicda ee lagu qaaday xarunta Xalane ayaa imanaya iyadoo lagu wado in dhowaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka,maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka sooq eybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaadhay Ciidamada ilaalada u ah Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Axmed madoobe oo ka qayb geli doona Shirka Arimaha Doorashada.

Kalshaale.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *