Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wefti balaaran oo soo gaarey puntland

Waxaa puntland soo gaadhey wefti balaaran oo gaadhaya dhor iyo toban xubnood,ayna hogaaminayeen Laba ka mid ah  ra’iisal wasaarayaashii soomali soo maray ,Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Cali Mahamed Geedi.Waxaana magaalada Galkacayo ku soo dhoweeyey Wasiirka wasaaradda Deegaanka puntland Cali Cabdullahi Warsame,madax ka tirsan Gobolka iyo dadweyne farabada,

Weftigaasi balaaran ee manta puntland soo gaarey waxay isugu jiraan xubno ka tirsan Madasha horumarka iyo dimuqraadiyada iyo siyaasiyiin kale oo dalka magac ku leh,Waxaana kamid ah Porf  Baadiyow oo ah gudoomiye ku xigeenka Madasha Horumarka iyo Dimuqraadiyada,Salaad Ali Geele oo ah afhayeenka Madasha iyo xubno ka socda ururada bulshada,

waxaay  sheegeen in imaatinka puntland ay ku faraxsan yihiin una yimaadee ka qaybgalka dabaaldega loo samayn doono maamulka Cabdiweli oo laba sano jirsadey.iyo furitaanka Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo la furi doono horaanta bisha kowaad ee sanadkan.ayna wada tashi kala yeelanayaan madaxda puntland arimaha siyaasadda ee mustaqbalka somaliya.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *