Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa

13 Nov 2017 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga madax banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa, kaasoo horay u soo jeedisay Xukuumadda.

29b2

Dhismaha Guddigan ayaa gacan ka geysan doona la dagaalanka musuq maasuqa oo ah waxyaabaha ugu weyn ee ragaadiyay DFS hay’adaheeda kala duwan.

Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo diyaarisay Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa, iyadoo hadii la dhiso Guddiga uu ka mid noqonayo Guddiyada madaxa banaan.

Sharcigan oo muddo ay ka doodeen Xildhibaanada ayaa waxaa ugu dambeyn maanta loo qaaday cod, iyadoo ay ansixiyeen illaa 141 Mudane, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay.

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *