Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Saraakiishii, Ciidankii iyo Gudoomiyihii ka goostay Somaliland oo Garoowe gaadhay

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland si diirran loogu soo dhoweeyey Saraakiishii dhowaan kasoo wareegtey Somaliland iyo guddoomiyihii gobolka iyo ciidamo ay hor ka cayaan kuwaas oo dhammaantood Somaliland ugu qornaa Gobolka Sanaag.

Xubno ka kala socda labada gole ee Maamulka Puntland oo hoggaaminayaan Wasiirada Waxbarashada, Dekedaha, Xannaanada Xoolaha, Arrimaha gudaha, Ganacsiga iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta oo uu hoggaaminayo Abaanduulaha ciidamada Daraawiishta Generaal Gorayocawl cuqaal iyo isimo uu ka mid yahay Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid iyo qaybo kamid ah shacabka caasimadda ayaa kusoo dhoweeyey masuuliyiintan duleedka Magaalada.

Arintan ayaan kusoo beegmaysa iyadoo Mudooyinkii dambe Gobolka sanaag ay xaalado Colaadeed kasoo Cusboonaadeen, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay Fadhiisimo ka samaysteen, Taasi oo sababtay inay Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin xilal ka hayey u wareegeen dhinaca Puntland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *