Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

untland oo Dil ku Xukuntay Askari loo Xidhay Kiiska Dilkii Madaxii Shirkadda DP-World ee Dekedda Boosaaso

( Kalshaale ) Maxkamadda ciidammada Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday askari ku eedeysnaa inuu fududeeyay weerar lagu dilay bishii February ee sannadkan maareyihii ajanabiga ahaa ee dekedda Boosaaso,Paul Anthony Formosa.

Nin dhallinyaro ah oo hubeysan oo markii dambe dhaawac u geeriyooday ayaa toogasho ku dilay Paul Anthony Formosa, oo maareye uga ahaa shirkadda P&O ee dalka Imaaraadka Carabta dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Dable Cabdi Cali Xirsi , oo ka tirsanaa ciidammada badda ee Puntland ayay xeer beegtaddu sheegtay in uu dambiga ku cadaadey isla markaana lagu xukumay ciqaabta uu mudanyahay, balse wuxuu heystaa fursad uu racfaan uga qaadan karo xukunka dilka toogashada ah.

Xukunka ayaa yimid, maalmo yar un kaddib markii ay Puntland bayaan afka Ingiriiska ku qornaa ay ku shaacisay  in ay soo bandhigeyso baaritaanno madax bannaan oo ay ku samaysay cidda ka qaybqaadatay dilka maareyihii geeriyooday ee dekedda Boosaaso.

Maxkamadda ciidammada Puntland ee shanta gobol iyo denbiyada culus ayaa sidoo kale xukun ku ridday sagaal ruux oo loo heystay inay dilal ka fuliyeen deegaannada Puntland,iyadoo la soo bandhigay waxyaabaha Qarxa oo ay soo qabteen ciidammada nabad-sugidda Puntland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *