Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha dalka maraykanka donald trump ayaa qaabilay madaxaweynaha somaliya

New York ( Kalshaale ) Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.

Madaxda dalalka Caalamka ee ku sugan dalka Mareykanka gaar ahaan Yew York ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Golaha Amaanka.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo kamid yihiin wax ka qabashada Cimilada Adduunka, cirib tirka Ururadda Argagaxisadda, ladagaalka Saboolnimada iyo sidoo kale arrimaha Waxbarashadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kullamo gaar gaar ah Yew York kula yeeshay qaar kamid ah Madaxda dalalka Caalamka ee shirkaas ka qeyb galaya.

Madaxda uu lakulmay waxaa kamid Madaxweynayaasha dalka Kenya iyo Masar iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Belgium-ka iyagoo kawada hadlay arrimo quseeyo Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *