Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaan cali axmed dhahar oo Shil ku dhintay Isagoo ku socday Tacsida Hooyadii

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Geerida AUN. Xildhibaan Cali Axmed Dhahar oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland oo maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay gobolka Sanaag.

Xildhibaan Dhahar ayaa ahaa gudoomiyaha guddiga arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland.

Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa haatan u geeriyooday dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xil. Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *