Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waxaa manta ka furmi doona magaalada muqdisho tartanka ciyaaraha dowlad goboleedada

Dhalinyarao laga soo ururiyey goblada qaarkood laguna sheegay iney yihiin ciyaartoyga kubadda cagta ee dowlad Goboleeda ayaa la filayaa inuu taratan ciyaareed manta uga furmo garoonka kubadda Cagta ee Banaadir stadium ee Magaalada Muqdisho.

Ciyaartooyda oo  ka kala yimid gobollada dalka qaarkood ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho shalay si ay uga qeybgalaan tartanka horyaalka  kubada cagta ee goballada dalka, iyadoo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Soomaaliya uu shaciyay in ciyaaraha gobollada dalka ay maanta si rasmi ah uga furmi doonaan garoonka kubbadda cagta ee Banaadir.

Wasiirka ayaa caddeeyay in tartankan kiisa xiga lagu qaban doono garoonka weyn ee Muqdisho stadium oo hadda ah saldhig ku meel gaar ah  u ah Ciidamo ka tirsan AMISOM, wuxuuna xusay  in ay ku rajo weyn tahay qabashada tartamo intaan ka mug weyn oo ilaa degmooyinka dalkoo dhan ay ka qaybgali doonan.

Duqa Muqdisho ayaa isna sharaxay ahmiyadda maamulka gobolka Banaadir ay ugu fadhiso marti galinta tartan ay ka qaybgalayaan ciyaartooy ka kala socta maamullada dalka ka jira, taasoo muujinaysa xoojinta is- dhexgalka bulshada Soomaaliyeed.Waxaa la filayaa iney u soo daawasho tagaan dad badan oo Muqdisho ku nool .

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *