Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

4-Qof oo loo xidhay Dilkii Caasho-yar iyo Gaadhi la doonayo

Puntland ayaa shaacisay goor dhowayd in afar qof loo xidhay fal foolxun oo lagu la kacay gabadh yar oo lagu kufsaday magaalada Galkacyo, kadibna la dilay.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir oo  dadka loo soo xidhay dilkan ka hadlay ayaa sheegay in cadaaladda la marin doono, waliba meel fagaare ah.  “Haddii ay ku caddaato afartaba waa dil toogasho” ayuu yidhi.
Wuxuu inta ku daray in sharciga uu go’aan ka gaari doono dhacdadaan oo aysan aqbali doonin odayaal dhaqameed inay soo farageliyaan.  “Anigu waxaan u maleynaya nin xishoonaya ama alle ka baqaya inuusan oraneyn ninkii fara xumeeyay gabadha yar yaan la dilin adeer baan u ahay iyo Aabbaan u ahay”. ayuu raaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug.

Dhinaca kale Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa ogeysiisay saldhigga bartamaha iyo hay’adaha ammaanka Puntland in la soo qabto Gaadhi lala xiriiriyay inuu sidey maydka gabar da’yar ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SICIID DENI IYO CAASHA

Aalle ha u naxariisto Caasho Ilyaas Aadan, oo ahayd 12 jir dhigata fasalka 6aad ee dugsiga dhexe ayaa maanta lagu aasay qabuuraha waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, Waxaana Maalintii shalay Si adag uga hadlay dilkeeda Madaxwaynaha Puntland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *