Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

raiisal wasaare khayre oo ka degey dalka suudaan kana qaybgelaya heshiiska south sudan

05 Aug 2018 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay xubno wasiirro ah oo ka mid noqon doona Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

23

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u akhriyay wasiirrada cusub ee uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Magacaabay ayaa kala ah sidan:-

C/llaahi Goodax Barre: Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare

Sheekh Nuur Maxamed Xasan: Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta

Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen: Wasiirka xannaanada Xoolaha

C/llaahi Bidhaan Warsame: Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

C/qaadir Sheekh Cali Baqdaaddi: Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada

Shawaqar Ibraahim Cabdalla: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha

Wasiirrada cusub ee la Magacaabay ayaa la faray in ay si deg-deg ah ula wareegaan xilkooda, waxana wareegtadani lagu Magacaabay wasiirrada ay kusoo bixi doontaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbixin: Imisaa Wasiirrada RW Kheyre shaqada ka tagay, uu ka qaaday ama la dilay?

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xukuumadda uu soo magacaabey 21-kii March sanadkii hore, waxaa wasiirradiisa sababo kala duwan uga tagay kalabbar, sidaas ay tahay wasiirrada kuma tagin howl gudasho la’aan, si shaqada loo hagaajiyo ama xataa dadka iyaga ka fiican loo keenno, intooda badan waxaa ay ku baxeen khilaafaad kala dhaxeeya wasriirka 1aad ama bulshada rayidka ah

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *