Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

agaal Afka ah oo ka dhex-qarxay Khadiija Diiriye iyo C.C.Shakuur ‘Arin la Xidhiidha AHN Siyaad Barre oo loo duceeyay’

Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo kamid ah Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo, ayaa maanta usoo Ducaysay Madaxwaynihii Hore Soomaaliya, Xili ay Booqotay Qabrigiisa.

“WAXAAN SOO SIYAARANAY QABRIGA AABE SIYAAD ALLOOW U NAXARIISO INSHA ALLAAH . “ Ayay tidhi Khadiija oo Qoraalkaasi soo raacisay Sawirka  iyagoo u ducaynaya Marxuumka.

Balse waxaa Arintaasi si lama filaan uga Falceliyey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay inay tahay sida geli ah oo lagu raali gelin karo Madaxwayne Farmaajo, in loo duceeyo Marxuum Maxamed Siyaad Barre, Sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sida keli ah aad ku raali gelin karto Maxamad Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Waa tan aan diidanayn, diidi doono, marnaba aanan yeeli doonin.” Ayuu yidhi.

Balse  Wasiir Khadiijo Diiriye oo maanta booqatay qabriga Siyaad Barre ayaa ka jawaabtay dhaleecaynta uu ujeediyay Abdirahmaan Abdishakur waxay tidhi “Saqiirka siyaasiga waa sidii majaaniinta oo xisaab looma qoro, marxuum waxba ma dhamaamo meydka soconaya”.

Arinta kale ee Dooda  Xiisaha u yeeshay ayaa noqotay kadib markii uu Daqiiqado kadib Cabdiraxmaan sheegay inuu maanta Duco iyo Tacsi ugu tagay Madaxwayne Hore,  Halka Madaxwayne hore oo geeriyoodayna in loo duceeyo buu diidan yahay.

“Waxaan maanta tacsi ugu tagnay qoyska iyo ehelka Allaha u naxariistee Madaxwyenihii hore ee Soomaaliya, Md Cali Mahadi Maxamad. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeyey Curadkii odayga Liibaan Cali Mahdi, Imaamka, Ugaaska, Wabarka, guddoomiyihii hore ee Gobolka, Senatar Dufle iyo odaayasha kale ee dhaqanka, iyo ehelada goobta ku sugnaa.”  Ayuu yidhi C.raxmaan Cabdishakuur.

Maxay kula tahay adiga  ?

kalshhale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *