Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Akhriso War-Murtiyeedka shirkii Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland

Madaxtooyada Dawladda Puntland
War-saxaafadeed
TIX/0071/2018
February 01, 2018
Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Sidii wax looga qaban lahaa khatarta kaallimaha shidaalka ee Magaalooyinka waaweyn iyo Xeerka Shaqada iyo shaqaalaha Puntland.

Amniga Puntland.

Golaha xukuumadda ayaa shirkoodii maanta ku dheeraaday amniga iyo difaaca dalka iyo sidii looga sifeyn lahaa Puntland ururada argagisada ah, golaha ayaa caddeeyay in amniga iyo difaaca Puntland ay yihiin muqadas, isla markaana laamaha amnigu ay si joogta ah uga hortagaan dhammaan kharaha dalka soo wajahan

Sidii Wax looga Qaban lahaa Khatarta kaallimaha shidaalka ee Magaalooyinka Waaweyn.

Golaha xukuumadda ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado dhimashadii iyo dhaawicii uu sababay dabkii ka qarxay kaallintii shidaalka ee Garoowe, waxayna goluhu sheegeen in ay horey dawladu uga soo saartay go’aamo ku saabsan ka hortaga qatarta kaallimaha shidaalka oo kusoo badanayay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay arintaan dhacdo xanuun badan oo shacabka Puntland soo martay ayna waajib tahay in si dhab ah looga hortago khatartaan, wuxuuna Madaxweynuhu ku dhawaaqay guddi wasiiro ah oo si dag dag uga hawl-gala waxka qabadka qatarta kaallimaha shidaalka iyo u-gurmadka dadkii wax-yeeladu soo gaadhay, guddigaan oo kala ah wasiirka Arimaha Gudaha, wasiirka Amniga, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, wasiirka Caafimaadka iyo wasiirka Ganacsiga.

Xeerka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland.

Golaha xukuumadda ayaa ka dooday xeerka shaqada iyo shaqaalaha Puntland dood dheer ka dib goluhu wuxuu dib ugu dhigay khamiista danbe
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *