Dagaal dhexmaray Wasiir Saleebaan Koore iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradi
|Waxaa magaalada Hargeisa uu maanta dagaal gacan ka hadal goordhowayd kudhex maray wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Mukhtaar Maxamed .
Mudooyinkii dambe waxaa jiray Khilaaf u dhexeeyay Labada Masuul ee Wasaaradaasi ugu sareeya, Waxaana lagu soo waramayaa inay Ciidamada amaanku la wareegan amniga wasaarada oo Gacan ka hadalku ka dhacay.
Arintan waxay kusoo aadaysaa iyadoo khilaafka ka dhextaagnaa wasiirka warfaafinta iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi , uu sababtey in saxeex-yada qaar ka joojiyo agaasimaha, Sida lagu xusay Wareegtooyi Horay uga soo baxay Wasiirka.