Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dastuurka Rwanda oo Afti-dadweyne loo qaadayo iyo Paul Kigame oo mar saddexaad Tartamaya

Shacabka Rwanda ayaa Toddobaadka soo socda u codeyn doona isbedelka lagu sameeyay dastuurka waddankaas, kaasoo madaxweyne, Paul Kagame u ogolaanaya inuu mar saddexaad u tartamo hoggaanka Rwanda, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Kigali.

Isbedelka lagu sameeyay dastuurka Rwanda ayaa wuxuu fursad u siinayaa mar kale inuu xilka hoggaanka dalkaas ii hayo Kagama illaa sananadka 2034-ka, iyadoo mas’uuliyiinta xukuumadda ay sheegeen in aftida dadweyne ee dastuurka loo qaadayo ay dhici doonto 18-ka bishan December.

Balse, xukuumadda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Kagame inuu ka dago xilka marka uu xilligiisa dhammaado sannadka 2017-ka, isla markaana uu u noqdo hog-gaamiyeyaasha Afrika inay xilka ka dagaan.

Sidoo kale, xildhibaannada baarlamaanka Rwanda ayaa ansixiyay bishii aynu kasoo gudu-bnay isbedelka lagu sameeyay dastuurka dalkaas, kaasoo madaxweynaha Rwanda Kagame u ogolaanaya inuu xilka madaxnimo u tartamo sannadka 2017-ka.

Qodobbada dastuurka dalka Rwanda ee isbedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah in la yareeyay xilligii madaxweynuhu xilka haynayo oo toddoba sano horay u ahayd; iyadoo laga dhigay muddo shan sannadood ah.

Paul Kagame ayaa wuxuu xilka madaxnimo ee dalkaas u tartami doonaa laba xilli oo kale, iyadoo la filayo in isbedelkan lagu sameeyay dastuurka Rwanda ay dadweynaha dalkaas si fudud ku siin doonaan aftidooda ogolaashaha ah.

Dhanka kale, madaxweyne Paul Kagame oo ka tirsan xisbiga Rwanda Patriotic Front ayaa xilka madaxnimo ee dalkaas qabtay markii uu dhamaaday xasuuqii waddankaas ka dhacay sannadkii 1994-kii, kaasoo lagu dilay in ku dhow 800,000 oo qof.

Ugu dambeyn, madaxweynaha waddanka Rwanda ayaa ku dhawaaqay inuu mar saddexaad hoggaanka dalkaas u tartami doono; sida uu shaaciyay wargeys ku hadla afka xukuumadda Kigali.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *