Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DF oo War Cusub kasoo saartay inay Wax iska Badaleen Mowqifka Badda

Madaxtooyada Somalia ayaa  beenisay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood oo sheegayey inuu isbedelay mowqifka dowlada Somalia ee la xidhiidha kiiska Badda.

Warbaahinta gudaha qaarkood iyo baraha bulshada ayaa si weyn waxaa u qabsaday saacadihii la soo dhaafay warar aan la sheegin cida laga soo xigtay oo tilmaamaya in dowlada Somalia ay aqbashay iney wadahadal ka gasho kiiska badda, ka dib cadaadis kaga yimid dowlada Maraykanka, ayna dhowaan arrintaas wadahadal ka yeelan doonaan madaxda labada dowladood oo kulan ku yeelanaya Addis ababa.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ” ayuu yidhi agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasimaha wuxuu intaa ku daray in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaritaan ku hayo ilaha wararkan been abuurka ah sida agaasimuhu sheegay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *