Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dhalinyaro lagu soo ee deeyey iney ka mid noqon lahaayeen isis ayaa xukunkoodu ka dhacay dalka maraykanka.

Xaakim ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka ay soomaalidu u badanyihiin ee dalkan Maraykanka ee Minnesota xukun ku riday dhalinyaro Soomaali-Maraykan ah oo lagu eedeeyay inay taageerayeen isla markaana qorshaynayeen inay ku biiraan kooxda Daacish.

Xaakimka magaalada Minneapolis Michael Davis ayaa xukunka ugu horreeyey ku riday Cabdullaahi Yuusuf oo uu ku xukumay waqtigii uu hore usoo qaatay xabsiga,  wiilkaasi oo 20 sano jir ah oo qirtay inuu doonayey inuu ku biiro ururka Daacish.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa ah kii ugu horreeyey ee xukunka uu ku dhaco. Xaakimka Michael Davis ayaa ku xukumay waqtigii uu hore xabsiga usoo qaatay oo ku dhow laba sano, iyo 20 sano ah oo uu ku jirayo kormeer joogto ah.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa la qabtay bishii May 2014-tii isgaoo ka duulayey garoonka diyaaradsaha ee Mineapolis kuna sii jeeday magaalada Istanbul, Bishii Fberaayo 2015-kii ayuu qirtay inuu doonayey inuu ku biiro Dacaish.

Xukunka labaad ayaa ku dhacay Cabdirisaaq Warsame waxaana lagu xukumay 30 bilood oo xarig ah iyo 20 sano oo ah kormeer joogto ah.

Qofka saddexaad ee maanta la xukumay  ayaa ah Zakariye Yuusuf C.raxmaan oo isna horey u qirtay dambigaasi la mid ah inuu galay, Waxaana lagu Xukumay 10-sano Xadhig .

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *