Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowlada somaliya oo war saxaafadeed ku taageertay dalka sucuudi arabiya ka dib dilkii weriyaha

Caalamka oo dhami waxay sheegeen maqnaanshaha Jamal Ahmad Khashoggi  in qoyska reer Al Sacuud wax ka ogyihiin ama loo malaynayo inay ka danbeeyaan dillkiisa, hase ahaatee  dawladda Soomaaliya Gar iyo gardaroba waxay taageertay Qoyska reer Al Sacuud ee ku tunta .xaquul Insaanka. Weriyahan ayaa Turkiga oo la saaxiib ah Soomaaliya ayaa  waxay sheegeen in dalkooda lagu dilay Weriyaha

War saxaafadeed afka Carabiga ku qornaa oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo horjeedo cid kasta oo dhib u geysaneysa Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.”

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu booqasho ku tagay magaalada Riyadh, waxaana uu kulamo la qaatay Boqorka Sucuudiga iyo Dhaxalsugaha Maxamed Bin Salmaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *