Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ka dib cudurka aduunka saameeyey

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo joojiyay gebi ahaan duulimaadyaddii Caalamiga ahaa ee imaan jiray Magaalada Muqdisho iyo kuwii ka bixi jiray.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo ka hadlaayay telefashinka dowladda ayaa shaaciyay in la joojiyay duulimaadyaddii Caalamiga ahaa laga bilaabo 18-ka Bishan Maarso ee 2020.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amarka lagu joojiyay duulimaadyadda uu ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isla markaana uu si rasmi ah u dhaqan geli doono 18-ka Bishaan Maarso.

Daqiiqado ka hor ayay aheyd markii Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur ay shaacisay in qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa laga helay Cudurka Coronavirus, kaasi oo kol hore ay karantiishay dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Fowsiya ayaa sheegtay in qofka  la helay Cudurka Coronavirus xaaladihiisa haatan ay tahay mid wanaagsan, isla markaana haatan lala tacaalayo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *