Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Fahad Yaasiin Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadlay Waxa Uu ka Qabtay NISA Inti Uu Taliyaha ka ahaa

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad suggida Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hawlaha NISA iyo shaqooyinkii uu kasoo qabtay, wuxuuna daabacay maqaal nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada.

Fahad oo lagu yaqaano in uusan saxaafadda ka hadlin, kana soo muuqan sawir iyo cod toona, ayaa maqaalkan kaga sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay NISA tan iyo intii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Fahad u magacaabay agaasime ku xigeenka NISA 15-kii Agoosto, 2018-kii, xilkaas oo markii dambe uga sii gudbay in uu noqday ku simaha agaasimaha NISA ee mudada dheer kadib markii Cusmaan Xuseen Cusmaan uu u tartamay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Fahad waxa uu maqaalkiisa ku sheegay in waxa ugu weyn ee uu aaminsanyahay ay tahay ‘helidda xog sugan” iyo dhismaha hay’ad sirdoon oo yoolkeedu yahay in ay ka tartanto kuwa gobolka iyo adduunkaba, iyo sidoo kale dhismaha kalsoonida shacabka.

Inkasta oo maqaalka yahay mid aad u kooban, xogta ku jirtana ay aad u koobantahay, haddane waxaa jira meelo si aan faahfaahsanayn uu sawir uga bixinayo xogo xasaasi ah oo amniga ku saabsan, kuwaas oo quseeya tirokoobyo.

Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, beegsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Inkasta oo aysan jirin illo ka madax banaan Agaasimaha iyo NISA oo ka marqaati kici karta , haddane Fahad waxa uu sheegay in ka hor inta uusan xilka qaban ay dalka ka dhici jireen illaa 85 fal dambiyeed, halka hadda ay hoos ugu dhaceen illaa 9 fal dambiyeed.

Waxa uu markii ugu horeysey qirey jiritaanka ciidamada loo yaqaano Illaalada Shacabka ee dharcadda, kuwaas oo uu Fahad si weyn ugu faanay wax qabadkooda.

Meelaha qaar Fahad waxa uu soo qaatay tusaalooyin uu ku muujinayo horumarka laga sameeyay NISA, waxaana ka mid ah in la ogaaday haweenay guursatay sarkaal NISA ka tirsan, iyaduna ay tahay xubin sare oo Alshabaab ka mid ah, arrintaas oo gabbaad ahaan u adeegsan jirtay si ay u abaabusho weeraro waaweyn.

“Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan” ayuu ku yiri maqaalka Fahad.

Ma uusan magacaabin haweenayda, mana uusan sheegin wixii ku dhacay markii dambe.

Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdoonkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qorshe qaran oo fogaan arag ku qotomaa,

waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo marwalba rafiiq iyo wadaay ugu noqday Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Waan hubaal in hammiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dawlad cago adag ku taagan ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayaynta laamaha amaanka iyo sirdoonka qaranka. Waxa kale oo hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan kor u qaadidda awoodda iyo jiritaanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Marka aad wanaag fasho, niyad sami la timaaddo, dad aqoon iyo xirfad u lehna hawsha la kaashato, waxaad filanaysaa natiijo wanaagsan oo waxtar uleh qarankaaga.

Agaasimihii hore ee NISA
Ahna la Taliyaha Amniga Qaranka
Fahad Yaasiin Xaaji daahir

Sidoo kale Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sidoo kale ka sheekeeyay haweenay da’ ah oo guri joog ah oo buuxisay shuruudihii ka mid noqoshada sirdoonka, balse markii waraaqihii shaqada laga saxiixay xafiiska ugu tagtay wiilkeeda oo ahaa sarkaalkii waraaqaha ka saxiixay, taas oo aysan iyada ogeyn, isna uusan filanaynin in hooyadiis ay isku meel ka shaqayn doonaan.

Waxa kale uu Fahad ka hadlay 8 agaasime sirdoon oo dunida meelo kala duwan ka socday oo Muqdisho soo booqday, waxaana ka mid ahaa nin uu Fahad sheegay in tabobarkii ugu horeeyay ee sirdoon ku qaatay Soomaaliya sanadihii 1970-naadkii markii NISA la asaasay , haddane isaga oo agaasime ah uu yimid dalka, islamarkaasna uu codsaday in sirdoonka dalkiisa loo tabobaro.

Fahad meelna kuma uusan soo hadal qaadin dhimashii Ikraan Tahliil oo isaga shaqsi ahaan lagu eedeeyay, ayna jireen dacwado ka dhan oo maxkamadaha loo gudbiyay, inkasta oo guddi warbixin soo saaray mardambe uu Fahad bari yeelay. Inkasta oo eedeymaha loo jeediyo Fahad ay badnaayeen, haddane eedda mas’uuliyadda dilkii sarkaalad Ikraan Tahliil waxa ay ahayd tii ugu weynayd, dad badana waxa ay filayeen in Fahad uu si uun isaga difaaci doono eeddaas, kana hadli doono

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *