Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Furitaanka garoonka iyo kuladama siyaasadeed ee magaalada Bosaaso

Waxaa lagu balansan yahay 8/1/2016 in la furo garoonka diyaarada magaalada Bosaso dhowaan laga dhamays tiray,kaasi oo madaxda puntland kuwii hore ,kuwa hada jooga ,isimo iyo dadweyne farabadani ay ku balansan yihiin taariikhda aan kor ku soo xusnay.

Waxaanse ognahay in magaalada bosaso ay ku sii qulqulayaan siyaasiyiin farabadan oo ay ka mid yihiin madaxda maamul goboleedada ,madasha midnimo iyo dimuqraadiyada,iyo siyaasiyiin madax banana oo ay ka mid yihiin ra’iisal waarayaal hore  kuwaasi oo la sheegayo iney shirar muhiim u ah doorashada 2016ka  ku saabsan  ay ka dhici doonto halkaas,aadna moodo in isxulafaysi ka abuurmay kulamadaas

Sidoo kale waxaa xusid mudan in lagu balan san yahay magaalada Kismaaye ee maamul goboleedka jubbaland shirkii lagu go’aasan lahaa qaabka doorasho ee la rajeynaayo in somaliya laga qabto bidha sideedaad 2016ka .

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *