Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gudoomiyaha baarlamaanka federalka ayaa gaadhey magaalada baydhabo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo 20-ka bishan uu ka furmi doono shirka Madasha Wada-tashiga qaran.

Wafdiga Guddoomiye Jawaari ayaa horu dhac u ah Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran oo lagu wado in maalmaha soo socda ay tagaan magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Mas’uuliyiinta Maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inay tagaan Baydhabo maanta illaa berri, si ay maalinta Isniinta uga qeyb galaan shirka Madasha oo si rasmi ah u furmi doona.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar caafimaad ugu maqan dalka Jarmalka ayaa isna lagu wadaa inuu maanta dalka dib ugu soo laabto.

Qaban qaabo xoogan oo ku aadan shirka Madasha wada-tashiga qaran ayaa ka socda magaalada Baydhabo, waxaana ay noqoneysaa markii u horeysay ee Baydhabo lagu qabto shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *