Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Gudoomiyaha Baarlamaanka puntland oo ku dhawaqay 4 Xubnood oo Gudiga doorashoyinka madaxbanaan ee puntland

udoomiyaha Baarlamaanka puntland oo ku dhawaqay 4 Xubnood oo Gudiga doorashoyinka ka mid ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhooba-daareed ayaa digreeto kasoo baxday Xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay 4 xubnood oo ka mid noqon doono gudigga doorashooyinka Puntland.

Xubnahaan ayaa kala ah:-

  • Guuleed Saalax Bare. Guuleed horay waxa uu usoo noqday Wasiir, waana maamulaha mahchadka SIDRA.
  • Jaamac Xirsi Faarax Waxa uu ka soo shaqeeyey hay’ayadda shaqaalaha rayidka Puntland
  • Xafso Salaad Maxamed
  • Cabsirisaaq Axmed Saciid

Waxaa dhiman xubnihii uu soo magacaabi lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni kuwaas oo dhamaystiri doona xubnaha Gudigga Dooraashooyinka Puntland.

Guddigan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Puntland yeelato, labadii guddi oo hore ayaa shaqadoodu fashil ku dhamaatey, sidoo kale waxay noqoneysaa markii u horeysey ee baarlamaanku ku hor dhawaaqo liiska guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Shaqada Guddigan ayaa ah:

  • Afti u qaadida dastuurka Puntland, haddii la awoodo maadaama dastuurka Puntland aan lagu ansixin afti dadweyne ee lagu ansixiyey ergooyin badan oo loogu yeeray cod xanbaarayaal ,kuwas oo u badnaa shaqaalaha dowladda.
  • Diiwaan gelinta Xisbiyada Siyaasadeed
  • Diiwaangelinta cod-bixiyaasha iyo u sameynta aqoonsigooda
  • Doorashooyinka Golayaasha deegaanka.

Kadib waa jiritaan beelayaan, waxaana beddeli doona guddiga doorashoyinka ee Xisbiyada siyaasadda iyo Xukuumadda markaas jirta soo wada dhisaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *