Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

HAMBALYO shakhsiga sanadka 2015 AHMED ISLAN(AHMED MADOOBE)

Madoobe-1

Wuxuu Golaha  codka shacabka somaliyeed wakhti ku bixiyey iney ummadda somaliyeed u soo bandhigaan ,shakhsiga  u guntadey  wax u qabashada ummadda somaliyeed .Ha ahaado hogaamiye maamul ,,xidhibaano,ganacsato,isimo,ama indheergaratada kale ee ku nool dalka gudihiisa ,ama aqoon yahanada kale ee aan wax xila u hayn ummadda somaliyeed  ee ku nool dalka dibadiisa .

Taasi oo aanu ku qiimayney ,,,,wax qabadkiisa ,wadaniyaddiisa,caddaaladdiisa,dulqaadkiisa,go’aan qaadashadiisa,maamul wanaagiisa,iyo aaminsanaanta in somaliyi dib uga soo bixi karto godkii ay ku dhacday 1991kii sidoo kale waxaanu ku qiimaynay in qofkaasi u gudbiyo fikrado wax ku ool ah ummadda somaliyeed oo aan isaga wax dan ah oo ugu jirtaa aanexaay jirin .

Dood dheer iyo codeyn uu golaha  1960 ka qaaday dad badan oo somaliyeed,waxaa layku raacay shakhsiga leh sifooyinka wax lagu dooranayey intooda badan  inuu yahay MADAXWEYNAHA JUBBALAN  AHMED ISLAN.

AHMED MADOOBE.        HAMBALYO  HAMBALYO.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *