Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

haweenka jubbaland oo u dabaal degey 8da maarso maalinta haweenka aduunka

8-da Maarso waa maalin loo asteeyay haweenka adduunka, inta badan dalalka caalamka waxaa ka dhaca munaasabado kala duwan oo lagu xusayo maalintan, gobolada somaliya ayaa maanta lagu qabtayo xaflado kala duwan oo loogu dabaaldegayo 8-da Maarso.

Magaalada Kismaayo waxa ay kamid ahayd degmooyinka maanta sida weyn looga xusay munaasibadda 8-da Maarso. Boqollaal haween ah oo ku labisan dhar ka sameeysan calanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo tan dowlad goboleedka Jubaland ayaa socod ku maray wadooyinka waaweyn ee magaalada, ayadoo intii ay haweenku wadooyinka marayeen la hakiyay dhaqdhaqaaqyadi gaadiidka.

Kooxda Baambeeyda ayaa horkaceeysay haweenka, ayagoo garaacayay Muusiga astaanta qaranka , waxaana haweenku ay isugu tageen Hoolka Waamo Garden oo ku yaal nawaaxiga madaxtooyada Kismaayo, halkaa oo ay ka socotay munaasibadda xuska 8-da Maarso.

Xafladdan oo ay soo agaasintay wasaaradda haweenka Jubaland ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland, wasiirro iyo xildhibaan ka tirsan Jubaland, masuuliyiin ka socotay ururrada dhalinyarada gobolka iyo kan degmada Kismaayo iyo xubno ka socday ururrada haweenka Jubaland.

Madaxdii madasha ka hadashay ayaa dhammaantood hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed.

Marwo Qamar Deeq Khaliif, wasirka hawenka iyo xuquuqul insaanka Jubaland oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in maanta ay tahay maalin haweenka uga duwan maalmaha kale, ayadoo sheegtay in haweenka Jubaland ay isku duuwanyihiin una diyaarsanyihiin in ay kaalintooda ka qaataan nabadda iyo horumarka dalka.

Dhinaca kale, Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) ayaa wasaaradda haweenka ku wareejiyay fureyaasha 7- gaari oo uu Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ugu deeqay haweenka.

“Waxaad iga gudoontaa 7- gaari oo laba kamid ah ay halkan diyaar ku yihiin iyo shan bas oo uu madaxweeynuhu ugu talo galay haweenka,” ayuu Madaxweeyne kuxigeenku yiri xilli uu furaha gaadiiidka ku wareejiyay Wasiirka haweenka Jubaland Marwo Qamar Deeq Khaliif.

kis

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *