Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

haweenka ka ganacsada khudaarta oo banaanbax ka dhigay baarlamaanka p/land hortiisa

Haween isugu jiray ganacsatada suuqa qudaarta iyo kuwa bagaasha ee suuqa weyn ee Garoowe ayaa maanta banaan bax ka dhigay magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland.

Banaan baxan oo ahaa mid balaaran ayaa waxaa ay socod ku soo mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe, waxaana ugu dambeyn hor istaageen guriga baarlamanka Puntland halkaas oo ay warbaahinta kula hadleen.

Ujeedka Banaan baxa ayaa ahaa mid ay haweenkan kaga cabanayay kororka maciishadda iyo doolarka, waxaana ay sheegeen in ay dowladda wax ugaga qabato in badan oo ay gudbiyeenna ay dowladu waxba ugaga qaban weyday.

Qaarkood dadkii banaanbaxayay ayaa ku qeylinayay in ay doonayaan xaqii ay ku lahaayeen dowladda siiba golaha baarlamanka ayna 2 sano doolarku ku marayo heer sareeya oo sicir barar keenay.

Dhinaca Haween ka mid ahaa kuwii banan baxayay ayay ciidanku dhigeen xabsiga, balse dib ayaa loo siidaayay, waxaan sidaasi xaqiijiyay maamulka gobolka nugaal, sheegayna in sababihii loo xiray haweenkaas ay aheyd arrimo ka baxsan banaan bixii manta ka dhacay magaalada Garoowe.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *