Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Japan oo 30-bilyan ku bixineysa horumarinta qaaradda Africa

Japan ayaa Sabtida maanta ah ballan qaadday 30 bilyan oo doolar oo gargaar loogu talagalay horumarinta qaaradda Afrika, iyadoo sheegtay in ay doonayso in ay si dhow ula shaqeyso qaaradda, xilli nidaamka caalamiga ah uu khatar geliyey duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Isagoo ka hadlayay shirka caalamiga ah ee u dhexeeya Japan iyo Afrika ee ka bilowday Tunisia, ayuu Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida sheegay in Tokyo ay ka shaqayn doonto sidii loo xaqiijin lahaa shixnadaha badarka ee u socda Africa, xilli ay dunidu wajaheyso cunna yari caalami ah.

“Haddii aan ka tanaasulno nidaamka ku dhisan qawaaniinta oo aan oggolaanno isbeddello hal dhinac ah oo si xoog ah aan ku beddelno xaaladda jirta, taasi ma ahan saameyn ku baahi doonto Afrika oo kali ah ee waxa ay gaari doontaa dunuda oo dhan,” ayuu yiri Kishida oo si fogaan arag ah uga qeybgalay shirka ka dib markii laga helay cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Kishida ayaa sheegay in 30-ka bilyan ee dollar muddo saadex sano ah ay ku bixin doonaan, waxaana uu ballan-qaaday lacago aan badneyn oo loogu talagalay haqab-beelka cuntada, howshaasi oo ay Japan la kaashan doonto Bangiga Horumarinta Afrika.

Wakaaladda wararka ee Tunisia ayaa soo xigatay wasiirka arrimaha dibadda ee Japan Yoshimasa Hayashi ii sheegay in Japan ay Tuniisiya siinayso 100 milyan oo doolar si ay uga caawiso in ay dhinto saameynta uu cudurka safmarka ah ku yeeshay dhaqaalaha dalkaasi.

Shir madaxeedkan ayaa madaxweynaha Tunisia Kais Saied siiyay madashii ugu weyneyd ee caalami ah tan iyo markii u uku guuleystay doorashadii 2019-kii, waxaana uu shirku imanayaa iyadoo uu madaxweynuhu ballaariyey awooddiisa, si rasmi ah afti loogu ansixiyay dastuurka, tallaabadaasi oo dadka dhaleeceeya ay ku tilmaameen afgambi.

Soomaaliya ayaa shirkan waxaa uga qeybgalaya wafdi uu horkacayo Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana uu maalintii shalay ka anbabaxay magaalada Muqdisho.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *