Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Kalfadhigiii Aqalka sare oo la furay iyo R/wasaare khayre oo ka hadlay Sababta Madaxwayne Farmaajo uga baaqda

Waxaa maanta oo isniin ah magaalada Muqdisho ka Furmay Kalfadhiga Shanaad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababtii uu Madaxweyne Farmaajo uga baaqday xafladii furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha uu isaga u soo wakiishay, isla markaana jeediyay khudbadii Madaxweynaha ugu tala galay Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare.

Mr Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha u baaqday sababo ku aadan shaqo amni oo degdeg ah, inkastoo aanu sii faah faahin.

Ka hor intii aanu Ra’iisul Wasaaruhu khudbada jeedin ayaa waxaa muran ka dhashay cida leh hab maamuuska furitaanka Aqalka sare, maadaama uu Madaxweynuhu maqnaa, isla markaana Senarada Aqalka sare ku adkeysteen in Ra’iisul Wasaaraha uusan laheyn hab maamuuska furitaanka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *