Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

konton kun oo shaqaale somaliyeed ah oo sanad walba la geyn doono dalka sacuudi carabiya.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in shirkado Soomaaliyeed loo fasaxay bilaabista diyaarintii shaqaalaha loo qaadayo dalka Sucuudiga.

Wuxuu intaasi ku daray in dufcadda ugu horeysa ay noqon doonto tiro dhan Laba kun oo shaqaale ah oo ka kooban xirfadlayaal caafimaadka, xoogsatada, wadayaal iyo qeybaha kale ee shaqooyinka.Horayna waxaa dalkaasi u gaarey Gabdho badan oo somaliyeed.

“Waxaan ka helnay dowlada Sacudi Carabiya in shaqo ay siiso sanad walba shaqaale isugu jira rag iyo dumar oo gaaraya konton kun oo ruux.”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.

Sida uu sheegay Wasiir ku xigeenku qaadista shaqaalahan ayaa fursad u ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu heyso, islamarkaasna u hanqal taageeysa iney naftooda ku biimeeyaan tahriib ama ka mid noqoshada argagixisada.

Waa markii ugu horeysay tan iyo dowladii hore ee shaqaale si sharciyeysan ay ugaga dhoofaan dalka Soomaaliya waxana uu wasiir ku xigeenku uu sheegay in ay jirto rajo ah in dalka Qadar ay bilaabi doonto inay ka qaadato shaqaale dalka Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *