Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed Iyo Hirshabele oo Samaystay isbahaysi

Maamul Goboleedyadda Puntland, Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle ayaa hadda shir uga furmay magaalada Garoowe.

Saddexda madaxweyne ee Siciid Cabdullaahi Deni, Cabdi Casiis Lafta-gareen iyo  Maxamed Cabdi Waare oo kalmado koob kooban jeediyey ayaa sheegay in ujeedada shirkoodan uu yahay iskaashi saddexdan maamul dhexmaraya iyo wax wada qabsi.

Tani ayaa ka dhigan in golihii hore ee dowlad goboleedyada uu meesha ka baxay,  Waxaana  Arintan imaanaysaa Xili maamulada Galmudug iyo Jubbaland ay dhowaan isaga baxeen Shirkii uu ku Casuumay madaxwaynaha Puntland, oo ay kasoo Qayb galeen Madaxda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay Shirkii Maamulada DF ee Garoowe   ayaa yidhi “Shirkii ma fashilmin,  wuxuu ahaa tallaabo hore loo qaaday, baadhitaanka ayaa ka horreeya Daaweynta, si furan ayaa loo wada hadlay in laysu soo noqdo ayaan rajeynayaa, Soomaali iyagaa xalka kujiraa”.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *