Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Machadka Heritage oo qiimeyn ku sameeyay labada sano ee dowladda Madaxweyne Farmaajo shaqayneysey [Warbixin]

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa
Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, 8-dii
Febraayo 2017-ka, isaga oo ballan-qaaday
in uu horseedayo is-baddel weyn, sugayo
amniga, xasilinayo siyaasadda, kobcinayo
dhaqaalaha, la dagaalamayo musuq-maasuqa,
uuna la imaanayo siyaasad arrimo dibadeed
oo sarraysa. Laba sano kaddib, haddii la
qiimeeyo waxqabadka Madaxweynaha,
waxaa soo baxaya, in qorsha-yaashiisii qaar,
ay u suurto galeen, kuwo kale oo badan –
oo uu ballan qaaday xilligii doorashada iyo
Shirkii London-na – aanay waxba ka hirgelin.
Dhanka guulaha, Xukuumadda Farmaajo iyo
Khayre (XFK) waxay guulo wax ku ool ah ka
gaareen dadaalada in Soomaaliya deynta
laga cafiyo, waxay xawaare geliyeen wada
xaajoodka hay’adaha maaliyadda adduunka
(sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF),
waxay kordhiyeen dekhliga dowladda, waxay
ku guuleysteen kasbashada kalsoonida
shacabka, waxayna ku mintideen wada
shaqaynta hay’adda fulinta (Madaxweynaha
iyo Wasiirka 1-aad), sidaas oo ay tahayse, ma
hirgelin in badan oo ahaa ballan-qaadyadii
Madaxweynuhu doorashada ku galay.
Waxaa isa soo tari waayey, ballan-qaadkii
Madaxweyne Farmaajo ee ahaa, in
xukuumaddiisu ay Al Shabaab uga adkaanayso
laba sano. Taa iska daaye, waxuu ku guuldaraystay in uu hirgeliyo ballan-qaadkiisii ahaa,
in uu furayo jidadka Muqdisho, oo in badani
ay si joogto ah, u xiran yihiin, kuwa kalena
ay xirnaantoodu, soo noq-noqoto. Dhanka
siyaasadda arrimaha gudaha, labadii sano ee
la soo dhaafay, waxaa hareeyey, jaah-wareer
iyo is-qab-qabsi, dhowladda federaalka iyo
dowlad goboleedyada ah. Si awood sheegasho
ah, shaqo ka eryiddii uu Madaxweynuhu ku
sameeyey, guddoomiyayaashii baaarlamaanka
iyo kii maxkamadda sare, waxay noqotay,
talaabo ka yaabisay xitaa taageerayaasha
madaxweynaha. Waxaan iyana suurto gelin,
in go’aan siyaasadeed, oo loo dhan yahay,
laga gaaro, qodobadaa dastuurka ee aan
weli laga heshiin, kuwaas oo ahmiyad gaarka
ah u leh, hirgelidda doorashada 2020. Sidoo
kale, waxaan heshiis buuxa oo la isku raacsan
yahay aan laga gaarin, hannaanka doorasho
oo Soomaaliya qaadanayso 2020-ka, taas oo
fogeyneysa suurtagal-nimada doorsho qof
iyo cod ah, oo dhacda 2020-ka. Waxaa iyana
aan suurto gelin, in la adkeeyo, dhidibadana
loo aaso, hannaanka fadaraaleynta, iyaga
oo maamul-goboleedyadu, aanay kana sii
xoogaysan, kana sii maamul-wanaagsanaan,
siday ahaayeen laba sano ka hor. Waxaa
isaguna istaagey, wadahadaladii Somaliland,
weliba, kala shakiga iyo kala aamin-baxa
labada dhinac, hadda sida uu u xun yahay abid
ma noqon.
Xagga siyaasadda arrimaha dibadda,
waa daciif ama waa xumaaday xiriirka ay
Soomaaliya la leedahay dowladiha iyo
hay’adiha ay sanadahaan danbe sida aadka
ah ugu tiirsanayd sida: Qaramada Midoobey,
inta badan dalalka reer Yurub, Turkiga, Uganda
iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Khaliij ahaan,
ah, kuwa xiriirka ganacsi oo ugu baahsan,
ay Soomaaliya la leedahay iyo Jabuuti oo
ah waddan walaal ah dhow ah. Saaxiibada
dhow ee Soomaaliya, waxaa noqdeen dalal
faraha hal gacan lagu tirin karo. Dhanka
musuq-maasuqa, aad ayaa loo hadal hayaa
la dagaalankiisa, waxaana jira, daah-furnaan
muuqata oo ku aaddan dekhliga ay dowladda
soo uruursato iyo bixinta kharashyada. Dhanka
kale, dhaqaalaha xukuumadda Qatar ka soo
gala dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo sida
ay u isticmaasho waxay noqotay arrin aan wax
badan laga ogeyn, aadse loo hadal hayo. Si
kastaba ha noqon

waxaa shaki badan ku jiraa in uu yaraaday ku takri
falka xoolaha ummadda. Waxaaba la oran karaa, guud
ahaan Soomaaliya, musuq-maasuqu ma xakamaysna,
ee waa xarga-goostay, laaluushkuna wuxuu noqday
furaha lagu kasbado xildhibaanada, doorashadana loo
maro.
Qiimayn maxaa loogu baahan yahay?
Kaddib laba sano doorashadii Madaxweyne Farmaajo,
taas oo ay weheliyeen ballan-qaadyo badan iyo rajo
badan oo shacaku ka qabeen, waa loo baahan yahay, in
shacabka Soomaaliyeed ay fahmaan – si ka mug-weyn
wararka baraha bulshada lagu soo bandhigo – waxa
u qabsoomay, waxa ay ka gaabisay iyo waxa qabyada
ka ah, xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qiimaynteenna labada sano ee hore ee hoggaanka
Madaxweyne Farmaajo, waxay muujinaysaa, in
kasta oo inta badan ballan-qaadyadii Farmaajo
aanay fulin, haddana waxaa jira arrimo dowladdiisu
guulo ka gaartey, in kasta oo ay hortaag-naayeen,
culayso baahsan oo baddankoodu ahaayeen kuwa
ay iyagu ku lug lahaayeen curintooda. Madaxweyne
Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Khayre, waxa ay
ku guuleysteen, in ay kasbadan in badan kalsoonida
shacabka, si ka sarraysa sidii xukuumadihii hore ay u
heli jireen, kalsoonida shacabka. In kastoona bururkii
‘Ar Farmaajo Iigeeya’ uu si cad u yaraaday, haddana,
sidaas oo ay tahay, xukuumaddu weli taageero mug
leh ayay shacabka ka haysataa, kuwaas oo aaminsan
in Madaxweynuhu niyad-wanaagsan yahay, haba ka
gaabiyo hirgelinta hadafkiisee. Kalsoonidaas shacabka,
waa arrin Farmaajo u wanaagsan, aanse dani ugu
jirin dalka, waayo Soomaaliya waxay u baahan tahay,
hoggaamiye xaaladda adag ee ay ku jirto ka saari
kara, gaar ahaan arrimaha xaasaasiga ah ee amniga,
maamulka iyo hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah.
Qaabkee ayaan u marnay qiimaynta?
Go’aamadii iyo ballan-qaadyadii Xukuumadda
Farmaajo iyo Khayre ay ka soo saartay shirkii
Soomaaliya ee May 2017-kii, ka dhacay London, ayaan
u isticmaalnay in aan ku qiimayno wax-qabadkeeda
iyo gaabiskeedaba. Dhawr sababood, ayaanna taas
u samaynay. Kow, xukuumaddu waxa ay halkaas ku
soo bandhigtay barnaamij maamul oo baahsan, kaas
oo ku saabsanaa qorshahooda amniga, siyaasadda
lagu-dhan yahay, dhaqaalaha iyo adeegga bulshada.
Laba, Shirka London, waxaa la qabtay saddex bilood
kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, iyo laba
bilood kaddib markii golihiisa wasiirada la dhisay.
Waqti ku fulin ayayna xukuumaddu u haysatey in ay
degsato qorshe, una dhaqaaqdo fulintiisa. Saddex,
xukuumadda waxay deeq-bixiyayaasha la saxiixday
Hannaan Isla-xisaabtan Loo-dhan-yahay ah,
kaasoo nuxurkiisuna ahaa, in dowladdu qorshe la
timid, deeq bixiyayaashuna ballan-qaadeen in ay
maal geliyaan, intii dowladdu ku taagan tahay fulinta
qorshaheedaas. Afar, Hannaanka Isla-xisaabtanka Loodhan-yahay ayaa ah, qorshaha istaraatajiyadeed, oo
kaliya ee cad, oo la fahmi karo, oo ilaa hadda, ka soo
baxay, xukuumadda Farmaajo, kaas oo fududaynaya,
in la qiimeeyo in ay u fuleen qorshayaashii ay
xukuumaddu ballan qaadday in ay hirgelinayaan.
Annaga oo taa ka duulayna, ayaan waxaan dib-ueegis ku samaynay, go’aamadii ka soo baxay shirkii
London, ee May 2017 iyo Hannaankii Isla-xisaabtanka
Loo-dhan-yahay, waxaana ka diyaarinnay, hal-beegyo
muujinaya, in la gaaray yoolalkii la qorshaystay si aan
u qiimayno shaqada xukuumadda ee labadii sanno
oo tagtay. Si weyn ayaanna u fahamsan nahay in ay
jiraan, arrimo awoodda dowladda ka baxsan, oo
caqabad ku noqon karey dadaaladda dowladda, taas
darteed ayaanna, qiimayntaan dowladda uga dhignay
mid aan ku tiigsaneyn ee u turaysa, turiddaas darteed
ayaanna, hal-begyada qiimaynta uga soo qaaddannay,
kuwa ugu hooseeya ama ugu ladifan.
1. Siyaasad lagu dhan yahay oo xasilan
Go’aanka koowaad ee ka soo baxay Shirkii London
waxa uu ahaa ballan-qaad ay xukuumadda Farmaajo
ballan-qaadday in ay hirgelinayso siyaasad lagu dhan
yahay oo xasilooni keenta, ayna dastuurka dib-u-eegis
ku samaynayso, dhidibadana u aasayso hannaanka
federaalka, ayna hirgelinayso qaab doorasho oo ah
hal-qof iyo hal-cod. Sabab weyn ayaa keentay, in
shirkaas London looga dhawaaqo in siyaasad loo
dhan yahay, laguna dhan yahay, lasiiyo ahmiyadda
koowaad. Deeq bixiyayaashu waxay og yihiin, kol
haddaan hal awood aysan gacanta ku hayn qaran, in
sida ugu dhow ee dib loogu yagleeli karo dal dagaal ka
soo kabanaya, sida Soomaaliya oo kale, ay tahay, in la
abuuro xasilooni siyaasadeed, wadar-ogol, wadatashi,
hadduu doono hannaankaas ha noqdo, mid shaqo
badan u baahan, culaysna wata ama jiitamaya. Sida ku
cad dhammaan hal-beegyada kale, qorshe-hawleed
kasta oo dowladdu London ku soo bandhigtay, kuna
ballan-qaadday, waxaa lagama maarmaan u ah,
siyaasad lagu dhan yahay iyo wada-socod.
Halbeeggan xasiloonida iyo wadasocodka siyaasadeed,
si guud dowladd waa ugu guul-darraysatay; halka tub
oo horumar aan sidaas u weyneyn ay xukuumadda
Farmaajo ka samaysay waa dib-u-eegista dastuurka.
Waxaa la oran karaa, dowladdu way baahisay la tashiga
daneeyayaasha arrimaha dastuurka iyo bulshada
rayadka ahba, in kasta oo taageerayaasha dowladda
ay u badnaayeen; sidoo kalena, la tashi – haba
koobnaadee – way la yeelatay dowlad-goboleedyada,waana arrin lagu ammaani karo, mar haddii, xiriirka
dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu, uu u
badnaa mid is-qab-qabsi iyo khilaaf hareeyey. Sidiise,
London carrabka loogu adkeeyey, hannaanka dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka, waa in uu ahaado
mid dugsanaya daah-furnaan, ahmiyadda uu leeyahay
awgeed. Waana in go’aamo wadar-oggol ah laga
gaaro qodobada khilaafku ka taagnaa, sida khayraadwadaagga, awood-qaybsiga, hannaanka doorasho ee
dalka iyo nooca iyo qaabka dowlad ee Soomaaliya
loo samaynayo, sida in dalku uu yeelanyo dowlad
baarlamaani ah oo ra’iisul wasaare hoggaamiyo iyo in
uu dalku madaxweyne yeelanayo.
Ballan-qaadkii ahaa in ay dowladdu, dhidibada u
aasayso nidaamka faderaalka ah, iyana waa ay ku
fashilantay. Dowladdu, waxay noqotay mid dhiillo ragiska-dhicin ah ku dharraysan, taas oo soo dedejisey
in goboladu samaystaan Golaha Iskaashiga Maamulgoboleedyada oo ahaa isbahaysi u abaabulnaa iska
caabinta wax ay ku tilmaameen damaca iyo amar-kutaaglaynta dowladda federaalka. Bilihii tagey, Golaha
Iskaashigu waxay waayeen laba hormuud, uuna ka
mid ahaa guddoomiyahoodii Cabdiweli Maxamed
Cali-Gaas, Madaxweynihii hore ee Puntland, iyo
Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee
Koofur-Galbeed. Shariif Xasan waxa uu isla casiley
cadaadis dowladda Federaalku saartay, taas oo ay
xigtey, in hannaankii doorashada Koofur-Galbeed
ay dowladdu maamulatay taasina waxay keentay, in
qaabka loo maray Madaxweynihii badeli lahaa Shariif
Xasan, in lagu tilmaamo, qaab marooqsi ah maamulwanaaggana ka fog.
In ka badan 15 muwaaddin ayaa naftooda ku waayey
iska-hor-imaadyo rabshado wata oo ka dhacay,
Baydhabo, magaalo madaxda ku meel-gaarka ah ee
Koofur-Galbeed, kaddib markii ay dowladdu dib u
xirtay, Muqtaar Roobow oo ahaa hoggaamiye hore oo
Al Shabaab. Roobow dowladda ayuu isku soo dhiibey,
lana heshiiyey, kaddibna waxa uu isku sharaxay xilka
madaxweynenimo ee maamulkaas, taas oo aad
loo aaminsanaa in uu yahay mid ku guulaysan kara,
isaga oo kasbaday kalsoonida shacabka, siyaasiyiinta
iskuna asteeyey hoggaamiye shabaabka hor-istaagi
kara. Dowladda, oo kaashanaysa ciidanka Itoobiya
ee Baydhabo ku sugan, ayaa Roobow xirtay, sidaasna
ku sugtay in ay soo saarto Cabdicasiis Lafta-Gareen,
musharixii ay u xaglinaysay.
Isku soo duuduub, is-aaminaad badan ma dhextaalo dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe,
in dhawaalana xiriirkooduna waxa uu ahaa mid aan
fiyoobeyn, gaar ahaan Galmudug iyo Jubaland. Waxaa
wiiqmay kalsoonidii, shakiguna waa badnaa, taas oo
keentay, in maamul-goboleedyadu ay isku qanciyaan,
in aan faa’iido ugu jirin inay deegaanadooda
dimuqraadiyeeyaan, awooddana ku baahiyeen,
maaddaama ay u arkeen inay taasi sii wiiqi karto.
Marka la eego diyaarinta hannaanka doorashada
ee 2020-ka, ma jirto, guul ay xukuumaddu gaartey.
Waxay ahayd Baydhabo, bartamihii 2018-ka, markii
ugu danbaysay ee uu dhacay wadatashi rasmi ah oo
arrimaha dhabta ah loo daadegey, markii madaxda
dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyadu
ay mabda’ ahaan isku afgarteen doorasho qof iyo cod
ah. Kaddibse, waxayba labada dhinac isku khilaafeen
qodobbo muhiim ah oo ka mid ah heshiiskaas, gaar
ahaan nooca deegaan-doorasho ee dalka, sida in
dalka oo dhami hal deegaan-doorasho loo arkayo iyo
in maamul-goboleed kastaa, uu noqonayo deegaandoorasho gaar ah. Waxaa kalee oo muuqata, in ay
jirto hannaanno doorasho oo Farmaajo iyo Khayre
ay danaynayaan, iyaga kaliyana ay fahamsan yihiin.
Waxaana muuqata in ay ka maagayaan, wada-hadal
rasmi ah oo dimuqraadi ah, daahna furan in ay la galaan
dhinacyada ay khusayso doorashadu ee Soomaalida
kale, sida xisbiyada siyaasadeed, baarlamaanka iyo
bulshada rayadka ah – si dalka ay uga dhacdo 2020-
ka doorasho xalaal ah, oo qof iyo cod ah. Waxaana
la tuhunsan yahay sababta ay uga war-wareegayaan
madaxda dowladdu, in ay dadka ka talagaliyaan
qaabka lagu hirgelin karo hannaan doorasho oo xor
ah oo xalaal ah, in ay tahay, sida ay uga go’an tahay
in ay awoodda sii haystaan, doorashada tan xigtana,
ay iyagu madaxnimada ugu soo noqdaan. Sidoo kale,
dagaalka qabow ee ka dhexeeya madaxda dowladda
federaalka iyo kuwa gobolada iyo guud ahaan, ishaaraanka bannaanka yaal, ayaa iyana loo sababayn
karaa, horumar la’aanta ka jirta hannaan doorasho oo
loo dhan yahay.
Halbeegga ugu saamaynta badan bulshada, waa
hirgelinta ama ka gaabinta doorasho xor ah oo xalaal
ah; waayo, ku dhawaad labaatan sano, shacabka
Soomaaliyeed, waxaa lagu go’doonshay in ay noqdaan
daawadayaal, markii ay doorasho dhacayso, iyada
oo oday-dhaqameedyo iyo wakiilo kooban, codkii
shacabku bixin lahaa, gacanta loo geliyey, kuwaas oo
nasiib darro, inta badan ka beeciyey codkaas, musharixii
ugu falisaad sarreeya. Hadda, laguma gafayo, haddii
la odoraso, mudada kooban oo ka hartay hoggaanka
Madaxweyne Farmaajo, in ay yar tahay fursadda ay ku
dhici karto doorasho qof iyo cod ah, oo dadka iyo dalka
oo dhan ah. Sidoo kale, muddo kororsi – oo ay hadda
hadal-haynteeda bilaabeen mudanayaal baarlamaan
oo dhanka dowladda u xagliya – ma ahan, guud
ahaan arrin u wanaagsan Soomaaliya, gaar ahaanna,
ay mudan tahay dowladdan Farmaajo iyo Khayre oo
natooxsiga iyo keli-socodka ku sifowdey.
2 Heritage Institute for Policy Studies
Sidoo kale, waxaad mooddaa, in dhinacyada
siyaasadda oo dhammi, ay gadaal u dhigteen, ka
hadalka qorshe cusub, loo qaateenna ah, oo baddiil
u noqon kara, doorashadii dowladdaan laga filayey
oo dalkoo dhan iyo dadkoo dhan ah. Haddiina aan
talaabooyin dhiiranaan leh, laguna midaysan yahay oo
nooca doorashada 2020-ka ah aan sida ugu dhaqsaha
badan loo qaadin, waxay u badan tahay, hannaan
doorasho-ku-sheeg ah, deg-deg lagu sameeyey, oo
silloon, in la camal-dulleeyo, laguna khasbanaado.
Qodabada kale ee ku dhex jirey ballan-qaadyadii
dowladda ee siyaasad lagu dhan yahay, oo xasiloon,
waxaa ka mid ahaa: in la xurmeeyo xuuuqda
bini’aadamka, in uu xasaanad leeyahay muwaadinka,
xorna u yahay hadalka, kulamada iyo in saxaafadda
ay xor-noqoto aanna la xanibin. Ballan-qaadyadaas,
dhammaan dowladdu waa ka soo bixiweydey.
Ciidamada dowladda ayaa weeraray siyaasiyiin
mucaarad ah, ilaalana ka laayey, dowladdu waxay
si soo noq-noqotay xisbiyada siyaasadeed uga horis-taagtay, xuquuqdooda dastuuriga ah (ee ah inay
kulamo qabsan karaan), waxaa kale oo ay xakamaysay
saxaafadda madaxa-bannaan iyada oo caadeysatey in
ay qaado ol-ole baahsan oo is-gadid iyo barabagaan
ah, kaas oo ujeedkiisu ahaa in ay madaxa ka qabsato,
shacab Alahood Alle yahay. Xukuumadda Farmaajo
iyo Khayre waxay argagixiso ku sheegeen muwaadin,
una gacan geliyeen Itoobiya. Madaxweynahaaba,
dhawaan, ku dhiiraday, in saxaafadda madaxa
bannaan oo dowladdiisa dhaliisha uu ku tilmaamo,
kuwa baahiya colaadaha.
2. Xoojinta Amniga Qaranka
Qodabka labaad ee heshiiskii Soomaalidu London ku
gaartey, deeq bixiyayaashana ballan lagula galay, waxa
uu ahaa in la xoojiyo amniga qaranka, dibna loo soo
nooleeyo Golaha Amniga Qaranka, in dib loo dhiso
ciidan qaran oo Soomaali oo dhan ka kooban iyo in
suggidda amniga iyo deegaanada la isku xiro, hoosna
laga soo bilaabo dib-u-heshiisiinta iyo isku-xirka iyo
hawl-gelinta shacabka ku nool degmooyinka iyo
deegaanada, mashruucaas oo loo bixiyey Wadajir.
Ilaa hadda, dowladdu kuma guulaysan inay hirgeliso
Golaha Amniga Qaranka; waayo, qayb ahaan markii
horeba kuma jacsanayn ama ma doonayn in ay fursad
siiso ama xoojiso madaxda maamul-goboleedyada
oo Golaha Amniga Qaranka xubno ka ahaa markii ay
jirtey xukuumaddii tan ka horreysey, ee Madaxweyne
Xasan Sheekh. Golahaan Amniga Qaranka, waxaa
loo qaabeeyey in uu ahaado, madal go’aamada
siyaasadeed oo amniga khuseeya lagu gorfeeyo,
go’aanna looga qaato. Waxaana sidaas loogu
qaabeeyey, iyada oo la isla ogolaa, in dowladda dhexe
iyo dowlad-goboleedyadu ay dalka isla maamulaan,
hannaanka federaalkana loo arkey, hawl socota oo
aan weli caga-dhigan ah. Madaxweyne Farmaajo,
Golaha Amniga Qaranka hal mar ayuu kulmiyey, ilaa
intii uu shirkii London ka soo laabtay, is-qab-qabsi iyo
is-qoonsi dhex yaalay isaga iyo madaxda gobolada
ayaana qabsoomidda kulamo kale, caqabad ku
noqday. Waase uu ku baaqay Madaxweynuhu, in uu
qabsoomo kulanka Golaha Amniga Qaranka isaga oo
magacaabay la taliyaha Amniga Qaranka, sameeyeyna
xafiis, uu hormuud ka yahay hawl-wadeen sare, oo
hawlaha amniga isku duwa.
Heshiiskii ahaa in la dhiso ciidan qaran oo isku dhafan,
dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waxay
ballan-qaadeen in ay dhisayaan ciidanka xoogga dalka
Soomaaliyeed oo ka kooban 18 kun oo askari, shanta
maamul-goboleedna laga keenayo midkiiba saddex
kun oo askari. Ujeeddaduna waxay ahayd in dib-uhabayn lagu sameeyo ciidanka qaranka oo hadda u
badan mid Muqdisho laga dhisay. Deeq-bixiyayaashu,
iyana, waxay ballan-qaadeen, in ay qalabeeyaan,
mushaarna siiyaan ciidankaas qaran ee lagu dhan
yahay, ama isku dhafan, intii dowladdu ay awoodayso
in ay iyado mashaarkooda bixiso. Ciidankaas cusub,
waxaa lagu tala galayey, in ay si toos ah u hoos
yimaadaan wasaaradda gaashaandhiga ee dowladda
federaalka, iyada oo wada-tashi la samaynaysa
dowlad-goboleedyada markii ay baahi timaaddo.
Qorshahaas soo jeedin ma soo dhaafin, fulinna uma
gudbin. Si guud marka loo eego, hirgelid la’aantiisa
waxaa sabab u ahaa dib-u-heshiisiin la’aanta
Soomaaliya ka jirta, iyo kalsooni-darada dagaalka
sokeeye laga dhaxlay. Xildhibaanada qaar ayaa
saluugay qorshihii lagu ballamay ee ahaa in dib-uhabayn lagu sameeyo ciidanka xoogga waxayna ku
doodeen in tallaabadaas ay wiiqayso ciidanka hadda
jira ee xoogga dalka iyo hawl-galada amni sugid ee
ciidanka u socota. Dooddaas la galiyey isku dhafka iyo
dib-u-habaynta ciidanka, waxayba qiil u noqotay (ay
uga takhalusaan ballantaas) xukuumadda Farmaajo
iyo Khayre oo aan awalba ku jacsanayn hannaanka
federaalka, aaminsanaana in maamul-gobaleedyadu
ay is barbar-yaac iyo doc-wareen ku ahaayeen
dowladda Qaran ee ay iyagu gar-wadeenka ka yihiin.
Dhanka kale, dowladdu, waxa ay abaabushay ciidamo
ay u bixisay Xasilinta, kuwaas oo la mucaaraday,
lana tilmaamay in aysan hoos imaan haykalka ciidan
ee dalka, gaar ahaan booliska iyo milateriga, laguna
eedeeyey in ay u eg yihiin maleeshiyo. Kaddib doodo
adag oo siyaasadeed, ciidankii ‘xasilinta’ waxaa lagu
daray ciidanka booliska Muqdishu.
Shirkii London waxaa lagu soo bandhigay in shanta
sano oo soo socota, Soomaaliya loo abuurayo ciidan
boolis ah oo dhan 50 kun.
3 Heritage Institute for Policy Studies
Xaqiiqadiina, in badan oo amni darada Soomaaliya
ah uma baahna ciidan milateri ah, wuxuuse dalku u
baahan yahay sirdoon aqoon leh iyo ciidan boolis ah
oo si fiican u tababaran, muwaadiniintana ku tiirsan,
xiriirna la leh. Sida London lagu heshiiyey dowlad
goboleedyadu iyaguna, booliskooda u gaarka ah ayay
ahayd in ay samaystaan, maalna gashadaan.
Qorshihii amni ee London lagu soo bandhigay lama
hirgelin. Dowladdu waxa ayba sii kordhisay khalkhalkii hay’adaha amniga, kaddib markii ay marar
badan, baddashey saraakiishii hoggaaminaysay
laamaha amniga. Dhanka kalana, Al Shabaab waxa
ay sii wadeen xasilooni daradii ay dalka ku hayeen,
iyo falalkoodii argagixis, iyaga oo Muqdisho qaraxyo
ku harqiyey. Waxaana ugu darnaa, qaraxyadii 14-kii
October 2017-ka iyo kii 28 Febraayo 2019, oo boqolaal
shacab ah lagu xasuuqay caasimadda, kaas oo astaan
u noqday fashilka dowladda ee ballan-qaadkeedii
ahaa in ay amniga sugayso, gaar ahaan caasimaddda.
Ballan-qaadka ugu danbeeya ama saddexaad ee
dhanka amniga waxa uu ahaa, in la hirgeliyo qorshaha
Wadajir loo bixiyey ee nuxurkiisu ahaa in deegaanada,
iyo degmooyinka, dib-u-heshiisiin laga hirgeliyo, dadka
la isku xiro, maamulka la wanaajiyo si amniga dadku
wax uga sugtaan. Qorshii Wadjir, marka laga reebo
laba degmo oo ka hirgalay Koofur-galbeed iyo kulama
badan, wax badan kama fulin isaga oo eersaday, is-afgaranwaaga iyo xafiiltanka, dowladda federaalka iyo
maamulgoboeedyada
3. Dib-u-soo-Kabashada Dhaqaale
Heshiiska kale ee London lagu gaarey, ee ballanqaadka dowladda Farmaajo ahaa, wuxuu ku saabsanaa
soo kabashada dhaqaale, waxa uuna ka koobnaa afar
tubood: b) dhaafidda deynta iyo xiriir la soo ceshiga
hay’adaha dhaqaalaha adduunka, t) kor u qaadidda
dekhliga gudaha, j) hirgelinta qorshaha horumarka
qaran ee jiray iyo diyaarinta midka xiga, x) si masuuliyad
wadata uga faa’iideysiga iyo u maamulidda khayraadka
dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Ballan-qaadkaan kobcinta dhaqaalaha ayaa ah
ballanta ay dowladda Madaxweyne Farmaajo guulaha
ugu badan ka gaartey. Kow, waxay dar-dar gelisay
hannaanka Soomaaliya deynta looga dhaafayo. Labada
sano gudahood, dowladda waxay ku guulaysatey
in ay ka baramoosto heerkii saddexaad kormeer ay
Hay’adda Lacagta Adduunku ku haysey hannaanka
maamul-dhaqaale ee dowladda. Hannaankan oo loo
soo gaabiyo SMP ee kormeerka iyo korjoogteynta
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waa hannaan
farsamo oo IMF ay tashiilka iyo isku-tashiga ku jarabarto dalalka saboolnimada la daalaadhacaya. Waxaa
intaa weheliya in xukuumaddu kasbatay kalsoonida
Midowga Yurub, taas oo hadda markii ugu horreeyey
muddo dheer kaddib, dowladda Soomaaliya, u
bilowday kabid miisaaniyadeed. Taas waa guul weyn,
oo xukuumadda ku gaartey muddo gaaban. Waxay
kaloo dowladdu qarka u saran tahay in ay deyn ka
hesho Bangiga Adduunka.
Tubta dowladda oo ahaa in ay kordhiso dekhliga
gudaha, labadii sano oo la soo dhaafay waxay ku
guulaysatey in 15 ilaa 20 boqolkiiba kor u qaaddo
dakhligeeda, guud ahaanna tobankii sano oo la soo
dhaafay dekhliga dawladihii Soomaaliya oo dhan
kor buu u socdey. Si kastaba ha ahaatee, dowladda
Farmaajo iyo Khayre, gaar ahaan wasaaradda
maaliyadda waxay ku guulaysatey in ay dadka si
daah-furnaan leh ugu soo bandhigto, ilaha dekhliga,
wayna ku ammaanan yihiin, inay miisaaniyaddii oo idil
internetka soo dhigeen, oo qof kastaa daalacan karo.
Xukuumaddu way ku dadaashay in ay hirgeliso
barnaamijyada ku tibaaxan Qorshaha Horumainta
Qaran ee 2017-2019, oo ah kii ugu horreeyey
muddo 30 sano ah, waxayna si joogto ah, bil kasta, u
qabanaysey, shir wadajir ah oo dowladda iyo deeqbixiyayaasha ay wada-joogaan, ee loo yaqaan SDRF,
kaas oo mashaariicda Qorshaha Horumarka Qaran
lagu maal-geliyo, lagana kormeero. Uma ayan suurto
gelin dowladda, in ay hirgeliso dhammaan barnaamijta
Qorshaha Horumarka Qaran, maaddaama ay is
badallo badan lagu sameeyey wasaaradaha iyo hawlwadeenada sare. Waxaa kale oo gaabiska sabab u ahaa,
hannaanka SDRF ee lagu maal geliyo qorshayaasha
qaran oo ah mid aan si fudud wax uga dhammaan,
isku aaddin badan looga baahan yahay, dhaqaalaha
la qoondeeyeyiy iyo qorshayaasha qaran. Waxa kale
oo xukuumaddu ay ku ammaanan tahay, in ay gudagashay diyaarinta wejiga lababaad ee mashruuca
Qorshaha Horumarka Qaran, ayna waddo-tashiyo la
waddo daneeyayaasha, sida maamul-goboleedyada
iyo bulshada rayadka.
Ballan-qaadka afraad uguna danbeeya tubtaan,
wuxuu diiradda saarayey, si mas’uuliyad wadata uga
faa’iideysiga iyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah
ee dalka. Dowladda Farmaajo iyo Khayre si degdeg
wadata, khataro badan ku giddaaman yihiin, ayay ugu
haliilaysaa, in ay suuq-geyso oo xaraashto, shidaalka
badda iyo xeebaha Soomaaliya ku jira. In Ra’iisul
Wasaaruhu madax ka ahaan jirey, waxna ku lahaa
Soma Oil, oo ah shirkad taariikh dhow, tuhunno badan
dusha laga saaray oo kaliya ayaa ku filan, in laga welwelo, heshiisyada dowladda iyo shirkadaha shidaalka.
Dowladdu kuma guulaysan in ay dadka Soomaaliyeed
ku qanciso sababta ay ugu fara-baxsanayso, in ay
soo bandhigto xogta badda Soomaaliyeed ay ka soo
uruurisay Soma Oil,
4 Heritage Institute for Policy Studies
ayna suuqgeyneyso shirkadda Spectrum SA, (oo
qudheedu ah, shirkad lagu eedeeyey in ay bixinaysay
meshaarada shaqaalaha Wasaaradda Batroolka),
shirkaddaas oo weliba iyada sida la sheegay, qaar ka
mid ah dhul-badeedka ay sahmisey loo ogolaaday in
ay shidaal ka baarto – taas qudheeda oo ah arrin shaki
kale dhalinaysa ayna ka muuqato irmaan-waraabsi.
Xukuumaddu, in kasta oo ay hadal-hayn badan ka
waddo la dagaalanka musuqa, kuna dooddo in ay
daah-furnaan ku shaqaynayso, haddana, hannaanka
dowladdu u gacmo-gacmaynayo shidaalka, waxaa
hareeyey hulaab-naan badan, waxaana ka muuqda,
waxna aan qalanno midiyahana aan qarsanno (conflict
of interest). Mashruuca shidaalka waxa uu noqday
bar-madow oo dul saran sumcadda xukuumadda
Farmaajo, taas oo laga rabey in ay noqoto waardiyaha
khayraadka dadka Soomaaliyeed, ‘wax kasta waa
okay-da’ madaxweyne Faramaajo iyo Ra’iisul Wasaare
Khayrana, waa mid dad badan, aanay ku qancin, ayna
uga jawaabaan, aallatahay.
Baaridda iyo suuqgeynta/xaraashka shidaalka oo
deg-deg iyo ku-danaysi lagu galo, waddamo badan
oo colaad ka soo doogey ayuu xasraddo hor leh u
keenay. Haddaba, iyada oo laga duulayo mabda’ ah
‘ha uga darin’ doodaha hadda laga wado baaritaanka
/ suuqgeynta / xaraashka shidaalka Soomaaliya,
waa kuwo loo bahan yahay, haddii rajo laga qabo
in Soomaaliya ay si dan-guud ah, danaysina ka fog,
masuuliyadna wadata ay u maarayso khayraadkeeda.
Xataa qandaraaska la siiyey shirkadda Shiinaha ee
kalluunka biyaha Soomaaliya kala baxaysa, ayaa
iyana keenaysa wel-wel, su’aalna dulsaaraya beecaas,
waayo halka milyan oo dollar ee la yiri, dowladda
ayaa helaysa, wuxuu u eg yahay san-dareerto, marka
loo barbardhigo, kaluunka ay gurayaan shirkadda
Shiinayska ah.
Gunaanad iyo soojeedin
Dowladda Farmaajo iyo Khayre oo haysatey afarta sano,
haddii la qiimeeyo labadii sano ee hore, iyada oo la
kaashanayo wixii ay shirka London ku ballan-qaadday,
waxaa muuqanaysa in ay aad uga gaabisay wixii laga
sugayey. Xukuumaddu, waxa ay si xariifnimo ku jirto,
u isticmaashay saxaafadda iyo baraha bulshada, si
ay u baahiso aragti qurux badan oo waxqabadkeeda
ah, laakiin, qiimayn-teennaan, waxa ay muujinaysaa,
hadday u badato, yoolalkii ay degsatay xukuumaddu,
in afar-meelood hal meel uun ay gaartey. Weliba,
waxaan tix-geliney, in xukuumaddu ay daruufo adag ku
shaqeyneysay, taas awgeed ayaana guulaha qaarkood
sida kuwa dhaqaalaha dhibco dheeri ah ugu darnay.
Haddii la doonayo in labada sano oo soo socota ay
dhaanto labadii tagtey, Madaxweyne Farmaajo iyo
Ra’iisul Wasaare Khayre, waxa ay u baahan yihiin, in
ay dib-u-eegaan, dul istaagaanna ballan-qaadyadoodii
aasaasiga ahaa, gaar ahaan, kuwa ku saabsanaa, yagleelidda siyaasad lagu dhan yahay oo xasilan. Haddii
xukuumaddu aysan ka shaqayn in ay abuurto, wadaroggol ballaaran oo ay ku dhan yihiin daneeyayaasha
siyaasadda sida maamul-goboleedyada, xisbiyada
mucaaradka ah, ganacsatada iyo bulshada rayadka
ah, xukuumadda uma suurta galeyso in ay meel micna
leh gaarto, gaar ahaan arrimaha ahmiyadda weyn
leh welina qabyada ah: garr ahaan, xal-u-helidda
amni-darada, dhammays-tirka dastuurka iyo isku afgarashada hannaanka doorashada ee 2020-ka. Haddii
ay dowladdu ku fashilanto in ay siyaasadda xasiliso,
waxaa dabraya hagrashada iyo hoosaasinta xoogagga
ka soo horjeeda, oo fashilkeeda guul ka dhex arka.
Haddii Xukuumadda Farmaajo ay labada sano oo u
hartay ku guulaysato in ay guul ka keento arrimaha
ay ka gaabisay, waxaa u suurto geli karta, in ay dadka
ku qanciso in dib loo doorto. Haddiise waqtigu ka
dhammaado iyada oo aan hawlihii ay ballan-qaadday
hirgelin, inay fursad kale heshaa waxay noqon kartaa
mid aan fududayn. Sidaas darteed, waxaan kula
talinaynaa:
1. In Madaxweyne Farmaajo uu u isticmaalo
shirka soo socda oo uu la leeyahay madaxda
maamul-goboleedyada mid uu ku laba
kacleeyo, xiriiradii xumaaday uu ku wanaajiyo,
uuna abuuro wadashaqayn waddar-ogol ah oo
dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu ay
isku talo ku hawl-galaan; kuwa madaxweynaha
kula talinaya in isku-tanasulku aanu isaga dan u
ahayn ama ay wiiqayso, waxay u horseedayaan
oo kaliya, in uu fashilo;
2. Madaxweynuhu waa in uu si niyad ah ugu
casuumo madaxda xisbiyada mucaaradka,
madatasha qaran ee Garowe loogu ballansan
yahay, si looga arrinsado hawlaha qabyada
ah, ahmiyadda gaarka ahna leh: sida
dhammaystirka dastuurka iyo ka heshiinta
hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo
2020-ka. In dowladdu sii waddo fara-ku-fiiqfiiqa mucaaradka iyo guul-guul-ka saxaafadda
xorta ah iyo bulshada rayadka mahan oo
kaliya mid faa’iido la’aan ah, waxayse ku
dhammaanaysaa oo keliya wadda isa soo
xiraysa;
5 Heritage Institute for Policy Studies
3. Madaxweyne Farmaajo waa in uu dib u
abaabulaa Golaha Amniga Qaranka, una
adeegsadaa madal lagu gorfeeyo, laguna
dejiyo qorshihii Al Shabaab looga adkaan
lahaa. Waayo, taas ayaa lagu gaari karaa, in
xal loo helo, amni darada baahdey ee dalka
iyo xasuuqa ku socda shacabka caasimadda,
kuwaas oo canshuurta laga qaado ay xoolo
u yihiin xukuumadda Farmaajo. Xoogga ay
geliyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul
Wasaare Khayre xayeysiinta xukuumadooda,
waa in ay u jeheeyaan sidii looga takhalusi lahaa
xubnaha Al Shabaab ee aan soonoqoshada
lahayn, iyaga oo Al Shabaab-ka caymada
leh, ugu baaqaya wadahadal. Ka gaabiska
ay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo
Ra’iisul Wasaare Khayre ka gaabisay in ay
diiradda saarto Al Shabaab, naf iyo maalna duldhigaan, ayaa sabab u ah in ay kooxdani weli si
weyn Soomaaliya uga calan-wallaynayso.
4. Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida
shidaalka oo ka dhexeeya jiilkaan hadda
nool iyo jiilalka danbe, waxaa maarayn kara
oo kaliya, dowlad ay ku soo doorteen dadka
Soomaaliyeed doorasho xor iyo xalaal ah. Xitaa
markaas, inta aan shirkado ajaanib ah dhaxalka
dadka Soomaaliyeed gacanta loo gelin,
waxaa daruuri ah inay diyaar yihiin aqoontii,
sharcigii iyo hannaankii lagu maamuli lahaa
khayraadka dalka, oo shidaalku ugu horreeyo.
Madaxweyne-Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare
Khayre waa in ay ka waantoobaan gacmamacmaynta shidaalka iyo khayraadka kale ee
istaraatiijigga ah ee Soomaaliya, maaddaama
aysan idan ka haysan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynuhuna waa inuu ogaado, in aan
marna laga rumaysanayn, musuq-maasuq
ayaan la dagaalamayaa, inta xukuumadiisa
(iyo ajaanib ku-daaban, ay dalaal iyo malaal
ka yihiin shidaalka Soomaaliya, seyladaha
adduunkana ay ka beecinayaan. Shacab
weynaha Soomaaliyeed waa u jeedaan, kana
shisheeyaan dhaqanka indha-sarcaadka u eg,
ee dowladda.
5. Dhinaca qaabka ay u dhacayso doorashada
2020-ka, xukuumaddu waa in ay runta u
soo daadegto, shacabkana la wadaagto
caqabadaha hortaagan in doorasho qof iyo cod
ah ay Soomaaliya ka dhacdo 2020-ka. Waana
in ay soo bandhigaan sida caqabadaas looga
gudbi karo; waxay u badan tahay 2020-ka, in
aan la gaarin doorasho qof iyo cod ah oo dalka
oo dhan ah, waxaase daruuri ah in ay dhacdo
doorasho aan dib uga dhicin waqtigeeda, ka
xor ah ku-shubasho iyo musuq, nabad-gelyana
ku dhacda.
6. Si loo xoojiyo dib-u-heshiisiinta,
Madaxweynuhu waa inuu u hawl-geliyaa
Golaha Amniga Qaranka, sidii loola heshiin
lahaa Somaliland, waana in Golaha Amniga
Qaranku ku baaqaan wadahadal niyad ah;
xukuumaddu waa inay bedesho siyaasadeeda
ku liqdaarnaanta Somaliland, kana hor-leexato
wixii mucaawino iyo kaalmo horumarineed ee
adduunku Somaliland siinayo. Madaxweynuhu
waa in uu raalli gelin buuxda dadka Somaliland
ka siiyo gabood falkii ballaarnaa ee ay u
geysteen dowladdii Soomaaliya ee milateriga
ahayd.
7. Dhanka xiriirka arrimaha dibadda,
Madaxweyne Farmaajo waa in uu u istaago in
uu wanaajiyo xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya
saaxiibadeeda soo jireenka ah gaar ahaan
Qaramada Midoobey. Madaxweynuhu waa in
uu maanka ku hayo in aan qaranka lagu dhisi
karin, meel soke oo wax laga eego iyo fursado
waqti kooban oo markaas surin looga baxayo,
balse qaran, gaar ahaan dal, sida Soomaaliya
oo kale u nugul, bur-burna ka soo kabanaya
in ay lama maarmaan u yihiin dhisiddiisa:
sumcad, furcaddaan iyo si caadifad la’aan ah
oo loo qiimeeyo danaha qaranka.
Akhristayaasha waxaa la ogeysiinayaa inay daabici karaan qoraalkan, haddii aaney
ka ganacsaneyn. Maadaama uu Machadka Heritage leeyahay xuquuqda qoraalka,
waxaa laga codsanayaa ciddii dibu u daabacda inay xusto Heritage, isla markaana
Machadka lasoo socodsiiso.
© Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda. Qoraalkan waxaa lagu
daabacay hannaanka Creative Commons Attributio

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *