Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

raiisal wasaaraha somaliya oo xilalkii ka qaaday wasiiro kuwo kalena magacaabay

Ra’iisal Wasaaraha DF ee Soomaaliya Kheyre ayaa xilkii ka qaaday seddex wasiir oo ka mid ah gollaha wasiirada kuwaas oo kalla ah wasiirka arrimaha dibbedda, gudaha iyo ganacsiga.

Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah waxaa lagu baddalay

Danjire Axmed Ciise Cawad oo loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS

Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa lagu baddalay:

Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye) oo loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS.

Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta waxaa lagu baddalay:

Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *