Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa caawa si wadajir ah ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya caasimada dalka Eritrea ee Asmara.

Madaxweynaha Eritrea Asaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku wada sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara markii ay soo caga dhigatay diyaaradii ay la socdeen wafdiga uu horkacayay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeybgalaya shirka Saddex Geesoodka ah oo dhexmari doona Madaxweynaha Eritaria,Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya kaas oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Waa markii uu labaad ee uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tago dalka Eritrea iyadoo booqashadiisii hore iyo warmurtiyeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen madaxda Soomaaliya iyo Eritrea ay aad uga caroodeen dowlada Jabuuti.