Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwaynaha Puntland iyo Soo dhowayntii Shacabka Boosaaso

Siciid Cabdulaahi Deni Madaxwaynaha Puntland  iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo kasoo amba baxay degmada Carmo soona maray deegaanada laamiga ku teedsan ayaa waxaa kantaroolka Boosaaso uga hortagay masuuliyiin ka tirsan dowlada sida wasiiro,xildhibaano iyo maamulka gobolka iyo kan degmada iyo sidoo kale boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo soo dhaweyn kadib la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu safarka kusoo gaaro magaalada Boosaaso isagoona u mahadceliyay bulshadii soodhaweysay.

Madaxweynaha oo khudbadii uu u jeediyay shacabka uga hadlay arimo kala duwan sida amaanka ,dhaqaalaha iyo arimo kale ayaa waxa uu sheegay in Xukuumaddiisa ay wax badan ka qaban doonto amaanka magaalada Boosaaso isagoona intaa ku daray hadalkiisa in lala xisaabtami doono masuuliyiin uu sheegay in ay kuraasta dowlada iskaga fadhiyaan oo aan dadka shacabka ah wax u qaban.

“Waxaan farayaa dhamaan dadka laamaha amaanka masuulka ka ah in isla xisaabtan uu bilaaban doono ,waxaan u sheegayaa cidkasta oo aan rabin in ay dadkaan u shaqeyso in ay hada iska diyaargarowdo oo kuraasta ay u banayso dadki u shaqeyn lahaa qof aan dadkan danihiisa ka shaqeyneyn xil masuul ma hayn doono ilaahay idinkiis”

Madaxweyne Deni ayaa hadal jeedin kadib loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso halkaas oo la filayo in uu saacadaha iyo maalmaha soo socda kula kulmi doono masuuliyiinta ,qeybaha bulshada iyo waxgaradka gobolka Bari.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *